Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Wadaadki Atom Ee La Soo Jiifay Weerarka Keymaha Galgala Oo Loo Gogol-xaaray Darajo Wasiir A. Diinta

Thursday - August 4, 2011

Garowe: War aan rasmi ahayn mad-madow ku si jiro oo u baahan sii hubin ayaa ku dhex shaacsan goobaha bulshada fadhi ku dirirka" caga-seflayaasha" ee Puntland oo la leeyahay dhawaan C/ramaan Xaaj Maxamed Farole waxuu sameynaya isku shaandheyn golihiisa wasaarada, taaso afka loo badinaayo in wadadkii la soo jiifay weerarka keymaha buuraha Galgala Maxamed Saciid Atom lagu darajeen-doono wasiirka cadaalada iyo arimaha diinta, halka ay leeyihiin sarkaalka ay isku haybta yihiin General ilka jiir u dadkiisa dhinac ka raaci-doono, walow kuwa kale ay leeyihiin Maya taas waa hadal sheeko ee Cabdiraxmaan faroole ma si deynaayo sarkaalkaas oo xilkiisa ayuu si haynaya .. caga-seflayaasha ma ay carbaabin wasiir Cabdi Ajaayo oo ah wasiirka cadaalada iyo Diinta darajada u geyo' oo loo wareejin-doono

Sida ay warka ku tilmaamayaan waxaa la sheegay in madaxweyne Cabdiraxmaan ay falsafadiisa  waayahaanba ku saleysneyd; waxaro qor-qabasho biyo kuma qurquriyaan, sidaa awgeedna dan mooday samata-bixin awgii soo afjaro caga-jugleynti iyo colaadi dhex tiilay isaga iyo Atom oo xaalada ku dhamaato wada hadal gacalnimo asluubeysan iyo is afgarasho oo halkaas ay ku harto nac-nacdi isu boorinti faan car ii taabo iyo naf la dhaawaco, maskax la'aan aan kala dambeyn, lagana faaiideysto is gad-gadiska waqtiga iyo waayaha dunida.

Hasa ahaate dhinaca kale ayaa jira kawa ka murmaaya sadaasha warkaas iyo magacaabida Atom oo ay leeyihiin, xilkaas waxaa la oran-karo waa mid aan laga fiirsan lana dhihi-karo waa del qaaf, waxayna warkooda ku saleynayaan in ninkii u dacareeyey ciidankii dawlada ay tahay macnodaro in loo sadburiyo oo la siiyo darajo wasiir, laakiin kuwa kale oo iyagu taageeraya magacaabidaas ayaa leh siyaasadu waa khamaar la ciyaarayo, oo dilki dhacay iyo diifti kala gaartay labada dhinac in xaaladu is badasho waa loo baahanyahay wixii nabad lagu helaayo waa daw in la sameeyo.