Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Sadexda Saacadood Ee Ugu fadliga Badan Ramadaanka By Khalid Jaamac

Thursday - August 4, 2011

Walaalayaal sida cinwaanka mawduucaba ka,muuqata waxaynu bal isu bayaamin doonaa saddexda wakhti ee ugu qiimaha badan amaba ugu fadliga badan bisha ramadaan, waxana fiican in uu qofka soomani had iyo jeer ku dadaalo in uu ka faa,iidaysto saddexdan saacadood kagana faa,iidaysto dikri,alle iyo duco uu ducaysto .

Hadaba su,aashu waxay tahay waa goorma seddexdan wakhti ama saacadood ?.

SAACADDA 1-AAD: waa saacadda salaada subax kadib inta aanay cadceedu soo baxin.

Sida xadiiskan soo socda ku xusan ee nabiga laga wariyay SCW in uu yiri qofka salaada subax la tukada jamaacada masjidka kadibna fariista masjidka isaga,oo illaahay xusaya ilaa ay cadceedu ka soo baxayso kadibna laba rakcadood tukada waxa u sugnaatay amaba helayaa ajar u dhigma sida xajj amaba cumro taam ah.

SAACADDA 2-AAD: waa saacadd ka,hor inta aanay cadceedu dhicin amaba godka-galin.

Walaalayaal saacaddani waa saacadd runtii aad u qiimo badan had iyo jeerna qofka soomani saacaddan waxa uu kaga mashquulaa diyaarinta afurka iyo hawlo la,xiriia afurka , hadaba waxa fiican walaalayaal inaynu ilaalino kafaa,iidaysashada saacaddan qiimaha leh waayo waa saacadd mustajaab ah waana saacadda ugu fadliga badan ee uu adoonku illaahay baryo.

SAACADDA 3-AAD: waa wakhtu( saxar) ama saacadd ka,hor inta aan la,eedaamin salaada subax.

Sidaynu horeba u soo xusnay walaalayaal saacadanina waa saacadd runtii aad u faddli badan ay wanaagsantahayna in aynu ku dadaalo baryada alle waliba iminka waxaynu ku guda jirnaa bishii barakaysnayd ee dhamaan acmaasha wanaagsan ee uu qofka muslimka ahi la,yimaado loo labanlaabayay sidaa daraadeed waa in aynu uga faa,iidaysana daqiiqadahan rooxaanigaa iyo saacaddahan fadliga badan acmaal adkaysa xiriika inoo dhexeeya Alle SW.

Waxa uu illahay QurÂ’aanka ku xusay isagoo la,hadlaya nabi muxammed SCW una tilmaamaya in uu tasbiix iyo takbiir iyo tahliil ku camiro wakhtiyadan fadliga badan.

Waxa uu yiri ( AL-XUSAYN AL BASARI ) raximahullaah (( adduunyadu waa saddex-maalmood (1)-Shalay( 2)-Berrito( 3)-Maanta. Shalay way tagtay ( 2)-Berrito waxa laga yaabaa in aanad gaarinba !! (3)- Maanta adigaa leh waayo waad nooshahay ee camal wanaagsan uga faa,iidayso

Gabagabadii walaalayaal waxaan naftayda iyo idinkaba idiin dardaarmayaa in aynu uga faa,iidaysano saacadkasta iyo saacadahan fadliga gaarka ah lehba acmaal wan-wanaagsan si aynu u kasbano raali ahaanshaha ALLE illaahay waxaan ka baryayaa in aynu noqono kuwo uu raali ka noqdo una dambi-dhaafo naartana laga xoreeyo bishan barakaysan ee ramadaan aamiinÂ… aamiin.

Khaalid jaamac muxumed.[email protected]