Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Boqor Cismaan Buur-madow Oo Ku Dhoobeystay Madaxweyne Silaanyo Kuna Eedeyey Inu SSC Iyo ....

Wednesday - August 3, 2011

Xigasho Waaheen: Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madaw oo Xalay khadka talefoonka kula soo xariiray Wargeyska Waaheen isagoo ku sugan Imaraadka Carabta, waxa uu sidoo kale ka hdlay Xarigii ay Xukuumaddu la maaganayd ee uu ka badbaaday, kaasoo uu ku dooday inaanu kaga baaqsan imaatinkiisii wadanka balse Xildhibaano iyo wax-garad ay isku hayb yihiin kula taliyeen inaanu arintaasi ku soo dhex dhicin ee ayagu baarayaan sababta keentay in xarig loo diyaariyo.

Ugu horayna Boqor Buur Madaw isagoo ka hadlay sababta keentay Xariga lala damacsanyahay iyo inuu xarigaasi kaga baaqsaday imaatinkiisii dalka waxa uu yiri " Horta waxa weeyaan runta markaan kuu sheego anigu Kamaan war hayn ciidamadan iyo waxan la sheegayo, Anigu anoog soo bixisba aan ku talo jirin ayaan ka warhelay in Ciidamo fara badan Madaarada Berberaa iyo Hargeysa la dhigay , ka dibna waxaan damcay inaan soo dhoofo dabadeed waxa ila soo hadlay Xildhibaano iyo wax-garad ka mid ah dadkii aan waayeelka u ahaa, waxaanay igu yiraahdeen waxaanu doonaynaa inaanu baarno waxa arinkan keenay iyo sababteeda mana doonayno in adigoo odayweyn oo waayeel ah sidan wax u dhacaan oo aad ku soo dhex dhacdo ee waxaan kaa codsanaynaa inaad anaga naga war sugto oo aanad soo dhoofin, taasi ayaana dib ii dhigtay, waxyaabaha aamuskaygu ahaana ma ahayn arimaha ee waxa keenay markaan arkay xaalada dalku halkay marayso iyo in dalkii Bur-bur ku jiro, waxaan go’aansaday inaan aniga lay eersan oo aan xogaa yara aamuso, maadaama dadkii maamulka dalka gacanta ku hayay ay bur-burinayaan, oo Odaygii talada loo cimaamaday ay kala wareegeen SSC iyo Alshabaab Isfahmay, waxaan ka hadlayay ee aan lahaa Somaliland haka hortagto, maanta waxay taagantahay Somaliland inay kala dhaqaaqdo, waayo waxa qabsaday oo taladii guud ahaan la wareegay Niman Xag jir ahaa ee aan odaygana markii hore ku lahaa talada haku wareejin yaanay dadka iska hor-keenine, wax badan baan u sheegay, laakiin waxba kuma bayrin, maanta in layska tuuro mooyaane wax alla wax yaala oo kale ma jiro.

S: In badan baad ku celi celisay dalka Alshabaabaa ka talisa iyo Madaxweynaha Caafimaadkiisu ma fiicna, dhawaana Dawladu waxay soo barigaysay waxqabadkeedii sanadkii ay talada haysay, waa maxay waxa adigay sida gaarka ah kuugu muuqda maxaad cadayn u haysaa oo intaa ka badan?
J: Horta kooxdan dalka qabsatay ama ragii kaambaynkoodii waa koox si khaldan u fahantay oo aflagaado iyo cay in wax lagu noqdo u haysta, iminka Website-kan Somaliland .Org oo kale waxa laga qoraa Madaxtooyada oo Madaxweynaha iyo Islaantiisa iyo dad kale ayaa loogu shaqeeyaa madaxtooyada ayaana laga (Edit) –gareeya,Waxaana lagu caayaa madaxda dalk, waxa ay doonayaan in amaano, ta labaad waxaan doonayaa inaan kuu sheego wax waxaqabad la yiraahdo oo dalka jiraa ma jiraan, wax la qabtayna ma jirto, waxa weeyaan waxan meesha ka socda oo dhan dawaladihii hore ayaa qabtay, dawladani hadii ay doonayso ina waxqabadkeedii sheegto waxa kaliya ee ay qabatay waxa weeyaan inay Alshabaab shaqaalaysiisay, inay caalamka ka dhaadhicisay inay alshabaab dawlad noqon karaan oo argagixisada Dawlad ku sheegto, wasiirka madaxtooyda laba jeer aniga ayaa xabsi kala fakaday markii uu C/lahi dheere Bomb-ka u dhigay iyo markii Burco lagu xiray, dawlada noocaas ah waxqabadkeeedii waanay sheeganayn ee waxa weeye inay argagixisadii iyo SSC dalka u dhiibtay oo dimuquraadiyadii baabiisay, markaa wax badan ayay qabatay oo arimahaasi ka mid yihiin,maantana af xumo iyo cay waxaan ahayn oo ay soo kordhsisay ma jirto”
S: Boqor Saamayn intee leeg ayuu ku yeelan kataa dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Somaliya ka socda iyo Xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Kooxahan aad sheegtay?
J:  Anigu waxaan qabaa in Xukuumaddan layska tuuro oo aan loo dulqaadan oo hadii Somaliland ku kala googo’ayso xataa aan la eegan lala dagaalamo ayaan qabaa, waayo caalamku maanta in Somaliya Dawlad adag loo dhiso ayay doonayaan Somalilandna indhihii lagu eegi jiray waa laga jeediyay oo Kooxdan Alshabaabka ah ayaa ugu wacan, nimankii alshabaabna koonfurta Somaliya way ka soo baxeen oo Hargeysa ayay ku soo socdaan".
S:  Boqor Cismaan Somaliland Xisbiyada Mucaaridka ahi kuma Dhaliilaan Xukuumadda waxan aad adigu ka hadlayso,waxaanad sheegtay in Xisbiyadii la baabinayo, dadkii layska hor keenayo, yaad ku halaynaysaa inay wax ka qabato arimaha maxaadse adigu ka qaban karaa
J:  horta Siilaanyo Somaliland buu kala qaybiyay, Beeshiisiibuu kala qaybiyay oo inta ardaagiisa ah ayuunbuu arkaa, shabaab ayaana taladii ka qabsatay, maadaama oo aanu isagii talinayn , meeshiina waxa qabsaday Bilis xaawalay iyo Shabaab, anigu maanta waxaan umadda Somaliland u cadaynayaa maadama Dimuquraadiyadii luntay in laga taxadiro Dagaal Sokeeye iyo iska hor-imaad, sidii Faysal Cali Waraabe ku hanjabayay ee ahayd in hadii waxan socda waxba laga qaban waayo in dalku bur-burayo.
S: Cismaan eedahan aad Xukuumadda ku dhaliilaysaa miyaanay Sumcadii Somaliland ee kale wax u dhamayn, sidayse kuula muuqtaa inaad mar kasta ku celceliso Alshabaab ayaa dalkii la wareegtay iyo Argagixiso ayaa Somaliland ka talisa?
J: Dadka reer Somaliland hadii ay Dawladani Bur-burinayso oo dimuquraadiyadii la baabnayso oo aanay Saxaafadii Xor ahayn in la badbaadiyo ayaa loo baahanyahay oo Caalamka loo sheego in dalkii Argagixiso qabsatay, maanta waxay maraysaa in la Xabaalihii Baabinayo oo ay Masaajidii Alshabaab loo dhiibo oo Diintii Alshabaab lagu aamino, Masaajidkii sh. Cali ee Burco waxa laysku dayay in har galay lagu Wareejiyo Alshabaab.
S: Madaxweynuhu asxaabta waxa uu u furay in Isbedel siyaasadeed iyo wajiyo Cusub saaxada Siyaasada ee dalka yimaadeen, dadkuna way ku amaanayaan, Wasiiradana waxa ansixiyay Golayaasha sharci dejinta dalka u qaabilsan, markaa adiga Eedahaagani miyaanay u muuqan inaad xadhigan lagula maaganyahay iyo arimahan ka cadhootay oo aad ku dhaliilayso dawlada?
J: Cadaawad uguma qabo anigu Dawlada xarig lay xirayo wax badana waan uga tanaasuli karaa madaxweynaha hadii wax la hagaajinayo, laakiin waxa ii muuqatay in argagixiso wadanka qabsatay oo Xisbiyadan la furay iyaga wakhtiga loogu dheeraynayo.
S: Maxaad Xal u aragtaa hada oo aad isleedahay eedahan aad dawlada u soo jeedisay waa lagag bixi karaa?
J: Waxaan xal u arkaa in dadka Xisbiyada haystaa Xisbiyadooda Difaacaan, dadku isu diyaariyo sidii Kooxdan meesha looga tuuri lahaa.