Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Qaramada Midoobay oo Ansixiyey Qodobo Lagu Xayiraayo Ururo Iyo Shakhsiyaad Ka Dagaalamaya Somaaliya

Tuesday - August 2, 2011

US- Newyork- Golaha ammaanka ayaa xayiraad saaray maleeshiyada Al-Shabaab iyo shakhsiyaad ay ka mid yihiin:

Xasan Daahir Aweys, Yaasiin Cali Beynax, Xasan Cabdullaahi Xirsi (Xasan Turki), Axmed Cabdi Aw-Maxamed, Fu’aad Maxamed Khalaf, Bashiir Maxamed Maxamuud, Maxamed Saciid Atam, Fares Maxamed, Xasan Mahad Cumar, Cumar Xamaam Abuu Mansuur Al-amriiki, iyadoo uu goluhu ka dalbaday dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey in aysan u oggolaan kooxahaan iyo shakhsiyaadka in ay galaan ama ay transit ku maraan dalalkooda.

Golaha ammaanka, ayaa war uu soo saaray ku qeexay in Xasan Daahir Aweys, Xasan Turki iyo Axmed Cabdi Aw Maxamed ay ka mas’uul yihiin xadgudubyo bini’aadam oo badan oo ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Fu’aad Maxamed Khalaf ayaa lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa weerar lagu qaaday saldhig ay leeyihiin ciidanka booliska dowladda KMG ah ee Soomaaliya, halkaas oo lagu dilay ciidamo ka tirsanaa dowladda, waxaana sidoo kale uu fududeeyay arrimaha maaliyadda ee maleeshiyada Al-Shabaab.

Maxamed Saciid Atam ayaa warbixinta Golaha ammaanka lagu sheegay in uu khatar galiyay nabadda iyo deggenaashaha qaybo ka mid ah Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ku lug lahaa qeybinta hubka iyo aruurinta maaliyad lagu carqaladeynayo amniga Soomaaliya.