Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Dilkii General C/fatax Yoonis Oo War Dheeraad Ka Soo Baxay

Monday - August 1, 2011

Bengaasi: Dilkii khamiisti hore lagu khaarijiyey General Cabdifataax Yoonis oo ka madaxa ahaa ciidamada kacdoonka ee ka soo horjeeda korneyl Qadaafi-ga libiya ayaa mudooyinkaan dambe  dilkiisi ciryaameysnaa ka dhalatay fadqalalo iyo muran badan oo dhalisay in reerki u ka dhashay ku goodiyaan iney isaga baxayaan dagaalka lagula jiro Qadaafi, hasa ahaate haddana markale ayaa magaalada Bengaasi ka soo baxaeen warar lagu xaqiijinaayo in janaaraalka raga dilay ay ahaayeen kooxo is-baaro u dhigatay loona aqoonsaday iney yihiin xag-jir oo ciidamada dagaalamaya ku dhexmilman, kuwaaso la sheegay iney jenankaas ka tirsanayeen dhibaato horay ugu geeystay xiligi u ahaa wasiirka arimaha gudaha ee dalka liibiya

Genaraalka ayaa gaadmo lagu dilay isagoo ka soo laabtay aaga jiida hore dagaalka, oo u soo socday xagaa iyo magaalada Bengaasi waqtigaaso ay la socdeen laba sarkaal oo sar sare oo iyagina sida la sheegay lala dilay, waxaana isla waqtigaasba soo shaac baxday warar ay reer Bangaazi isla dhex mareen oo sheegaya in jananku u xiriir daahsoon la lahaa korneyl Qadaafi oo si hoose ay u wada shaqeynayeen, saas darteedna loo khaarijiyey, laakiin warkaas oo muddo dad badani sidaasi u haysteen makii dambe waxaba ka badalmay sheekadaas oo dhinaca xg-jirka ayaa warkii u batay.