Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Afhayeenka Shabaab Abuu-Muscab Oo Saxaafada U Sheegay Iney Dagalka Ku Dileen Sarkaal Mareykan Ah

Sunday - July 31, 2011

Muqdisho - Ururka  Al-shabaab ayaa sheegtay in ay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay  Magaalada Muqdihso ay ku dileen sarkaal Mareykanka ah, kaas oo ay sheegeen inuu hoggaaminayay dagaalka dhanka ciidamada AMISOM.

Afhayeenka  Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu-Muscab oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho maanta, ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan sarkaalka ay dileen cadeymihiisa oo dhamaystiran.

" Mujaahidiinta waxa u suurogashay ina y ku dilaan degmada Hodan sarakaal Maraykan ah oo dagaalka hoggaaminayay," ayuu yiri Abuu-Mascab

Inkastoo aan la soo bandhigin maydka sarkaalka Maraykanka ah, ayuu haddana afhayeenku sheegay in sarkaalkan uu ka mid ahaa saraakiishii hore u soo raacay cidamada AMISOM, isagoo xusay in ciidamada Burundi iyo Uganda ka socda ay tababar soo siiyeen ciidamo Maraykan ah intii aan la keenin dalka  Soomaaliya.

Dawladda federal-ka  ah ayaan wax jawaab ah ka bixin hadalka ka soo baxay Al-shabaab ee lagu sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ay ku dileen sarkaal Mareykanak ah, iyadoo tan iyo Khamiistii la soo dhaafay ay Muqdisho ahayd goob dagaal.