Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Golihii Wasiirada Oo Gor Dhaweyd La Magacaabay

Wednesday - July 20, 2011

Mogdisho: Waxaa gor dhaweyd goobta la soo dhigay magacyadi golaha wasiirada oo ka kooban sida hoos ku xusan:

1-  Mudane Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bille) Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta

2- Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim Waxaa loo magacaabay Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda

3- Mudane Xuseen Carab Ciise Waxaa loo magacaabay Ra’iisu-Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

4- Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif Waxaa loo magacaabay Ra’isul-Wasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.

5- Mudane Cabdisamad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.

6- Mudane Dr. Cabdinaasir Maxamed Cabdulle Waxaa loo magacaabay Wasiirka Waasaaaradda Maaliyadda & Lacagta.

7- Marwo Caasho Cismaan Caqiil Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska,

8- Mudane Cabullaahi Xaaji Xasan Maxamed Nuur waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Xannaanada Xoolaha

9- Mudane Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf  Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

10-  Mudane Cabdulqaadir Maxamed Axmed Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta

11- Mudane Maxamed Muxiyadiin Sheekh Mursal Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Dhallinyarada & Isboortiga

12-  Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda & Bay’adda

13-  Mudane Aadan Cabdullaahi Aadan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidk Circa, Dhulka, Badda & Dekadaha

14-  Mudane Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka & Dib-u-heshiisiinta

15-  Mudane Jaylaani Nuur Iikar Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeenta & Dib-u-dhiska

16-  Mudane Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha & Batroolka

17-  Mudane Prof. Axmed Caydiid Ibraahim Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaaha & Tacliinta Sare.

18-  Madane, Cabdullaahi Goodax Barre Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheenta & Iskaashiga Caalamiga