Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Shiikha Azharka Masar Al-Digtoor Axmed Tayib Oo Ka Digay In Mad-habta Shiicada Lagu Nabo Kufrinimo

Wednesday - July 20, 2011

Qaahira: Shiikha u sareeya Azharka Masar ee magaciisa la yiraahdo Al- Digtoor Axmed Al-Tayib  ayaa mar uu shir u qabtay aqoon-yahano iyo culimo Masaari ah oo booqasho ugu yimi xafiiskiisa ayuu si waadix ah daboolka uga qaaday oo yiri ma jirto wax la iska qarinaayo in dawladi hore ee Xusni Mubaarak ee qadaadka indhaha ku lahayd ay igu cadaadiyeen in aan taariikhda ka been sheego oo mad-habka Shiica-nimada aan ku nabo iney cibaadadooda tahay been iyo kufri-nimo isla markaana aan dhaleeceeyo nin aan mudneyn cay Shiikh Xasan Nasru-laaha Lubnaan, taaso ay u raadinayeen mudo cid hawshaas masar u istaarta oo ay adeegsadaan, hasa ahaate ayuu yiri wax badan ayaan ka afeeftay kana galgashay amaradaas siyaasada ku qotoma food ku doonka looga raadinaayey Mareykanka iyo Israaiil ee laygu cadaadinahayey

Shiikh Axmed Al-Tayib Isagoo hadaladiisa si wato ayuu faafaahin gaaban ka bixiyey siyaasadaha gabashada lahayn ee lagu doonaayo in dab laga dhex huriyo Sunada iyo Shiicada oo hindisaha ujeedadu tahay in loo daneeyo dawlado iyagu aan maslaxad u ahayn danta musllimiinta, balse doonaaya iney lugta ku walaaqaan nabada dhex taal dadyoogaas walaalaha ah.

Fadilat Shiikh Axmed Al-Tayib ayaa yiri dadka haysta madaahibta Shiicada waa muslim isticmaala kitaabka alle ee Qur'aanka oo ma haystaan kitaab aan kaas ka ahayn, sido kale waa banaantahay ayuu yiri inaad salaada ku daba tukato imaam shiica ah, isagoo xusay in culimadi hore ee horseedka cilmiga ku ahayd taariikhdi islaamka laga soo bilaabo Shiikhi weynaa Al-dabari illa waqtigaan cid tiri shiicadu waa gaalo ma jirto.

Laakiin Shiikh Al-Tayib ayaa hadalkiisa raacshay in khilaafka Shiicada iyo Sunada ay ku koobantahay un xaga imaamyada oo iyagu waa shiicade ay aaminsan-yihiin in Sayidinaa Cali Bin Abu daalib RC u yahay imaamkii xaqa u lahaa hogaaminta islaamka dhimashadi nabi Maxamed CSW ka dib, sheega-shadaasna looma arko iney tahay danbi, maxaa yeelay inagu waa Sunade waxaan qabnaa doorashada imaamnimada iney tahay ikhtiyaar, marka ayuu yiri haddi ay Cali doorteen ma aha danbi sido kale ma aha danbi qofki imaam-nimada u doortay Abuu bakar, balse labada dhinacba waxaa uun laga doonaya in dariiqa iyo xuduuda toosan wax lagu wado oo aan khilaafsaneyn kitaabka iyo Sunada