Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Taariikhdii Asxaabta Nabiga-Asmaa Bint Abii Bakar Waa Gabadhi Loo Dhameystiray Sharafta Iyo Wanaaga

Wednesday - July 20, 2011

"Asmaa waxa ay cimri hirsatey 100-sanno iyadoo ilig iyo gows midna ka dhicin welina aan caqli doorsoomin" Asmaa waxay ka soo jeeday qoys iyo qaraabo wada saxaabo ah :

Saxaabiyada aan markan sheekadeeda qaadanayno waa gabadhii loo dhamaystiray sharafta iyo wanaaga. .. Aabaheed waa saxaabi,waana saxaabigii jaliilka ahaa ee Abuubakar As-siddiiq ee ahaa saxaabtii rasuulka (scw) dhinaca kalena ahaa khaliifkii Rasuulka dhimashadiisii ka dib.

Awoowgeed waa saxaabi,waxa la oran jiray Abuu Catiiq oo ahaa waalidkii Abuubakar (rc). walaasheed iyaduna waa saxaabiyad, waxana la oran jiray Caa’isha oo ahayd hooyadii mu’miniinta .. ninka qabaa waa saxaabi,waxana la oran jiray Zubeyr Binu Al-Cawaam

Wiilka ay dhashay waa saxaabi wuxuna Intaas oo kaliya ayaa amaan iyo sharaf ugu filan. si kooban haddaan u iraahdo gabadhaas aan xusnay waxay ka mid ahayd asxaabtii kulan satay astaamahaas wanaagsan ee ah in qoyska ay ka dhalatay ay dhamaantood ahaayeen muslimiin/saxaabo halka saxaabada kale aynan qoysaskooda sidaasoo kale ahayn oo ay ku jireen kuwo aanan muslimiin ahayn.

Asmaa Bintu Abii-bakar waxay ka mid ahayd asxaabtii goor hore soo islaamay,waxaa iyada horteed soo islaamay oo keliya 17 qof oo isugu jira rag iyo dumar. sidoo kale Marwo Asmaa waxay ninkeeda u ahayd tusaale wanaagsan .. Asmaa waxay dhashay saxaabigii ugu horeeyey ee dhasha sannadka hijriyada ka dib kaas oo ahaa Cabdulaahi bin Zubayr.

Soo Diyaarisay Muna Cali