Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Is-Rasaaseyn U Ku Geeriyooday Taliyihi Ururka Ciidamada Madaxtooyada Iyo Xiisadi Oo La Xakameeyey

Tuesday - July 19, 2011

Taliyihii ururka ciidamada Madaxtooyada ayaa geeriyooday, Labo askari kalena dhaawac  ayaa soo gaaray kadib is rasaaseyn goor dhow ka dhacday afaafka hore ee xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Sida warku sheegay is rasaaseyntan ayaa timid kadib markii ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isku dayay inay xoog ku galaan gudaha xarunta madaxtooyada oo loo diiday, kadibna ay rasaas ku fureen ciidamadii ilaalinayay xarunta.

Is rasaaseyntaas oo socotay qaddar daqiiqado ah ayaa waxaa la sheegayaa inuu ku dhintay Taliyihii ciidamada Madaxtooyada oo magaciisa lagu soo gaabiyey Carab,  waxaana ku dhaawacmay Labo askari kale.

Ma jiro ilaa iyo hadda mas’uul ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo ka hadlay is rasaaseyntaas khasaaraha sababtay ee ka dhacay xarunta Madaxtooyada xilli ay ka socdaan shirar ku saabsan magacaabista Golaha wasiirrada xukuumadda cusub ee Soomaaliya.