Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Shariif Sakiin Oo Weli Rux-Ruxaya Geed Dhaameel Si Ay Wax Ugu Soo Dhacaan

Monday - July 18, 2011

Mogadisho: Saacadaha soo socda ayaa la filaayey in xarunta madaxtooyada lagu qabto munaasabad ay ka soo wada qayb galaan madaxda dawlada sare, taaso la maleynaayey in raiisal wasaare Cabdiweli Gaas u halkaas kaga dhawaaqo liiska cusub ee golihiisa, arintaaso ay timi markii labada Shariif ay jilbaha isugu laabeen dood iyo hadalo isla sare tagay, hasa ahaate ugu dambeyn iyagoo danahooda gaara eegaya ayey wax ku heshiyeen iyagoo iska indha tiraya waxa hor yaala

Laakiin dib dambe ayaa la sheegay in Shariif Sakiin shaqalka u tuuray madaxweynaha oo ka booday arinki ay horay isla meel dhigeen oo hadana yiri liiska dib ha loogu noqdo, murankii xaqiiqada aan ku fadhina halkiisi ka si gurguurtay, taasna waxay ku timi ayaa la yiri markii la taliyaashiisa ay ku dhaheen Shariif Sakiinow waad sirantahay, isana yiri waan gartay inaan siranahay ee meel aan ka siranahay ayaan garan waayey, dabadeedna xafladi la sugayey ay halkaas ku baaba'day

Dhinaca kale warka ayaa sheegaya in isna Cabdiweli dibnihiisa ku waashay sidi wax waalan oo shanta gacmood dhafoorka saaray waxuu yeelana garan la', hasa ahaate la taliyaashiisa ay ku dirqinaya inu ka baxo sheekada is hortaaga iyo af taaga labada Shariif oo isagu iskiisa u sameeyo liiska golaha wasiirada.