Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Dawlada Mareykanka Oo Gacanta Ku Dhigtay Warqad Lagu Xusay Dilalka Qorsheysan

Monday - July 18, 2011

Dowladda mareykanka ayaa gacanta kusoo dhigtay warqado ku saxiixnaa Hoggaamiyihii hore ee urur weynaha Al-qaacida Usama Bin Laden oo isagu geeridiisa ka hor qorsheeyay in la khaarijiyo Masuuliyiin sar sare oo iyagu ka tirsan dowladda Mareykanka, wararka kasoo baxaaya dowladda Mareykanka ayaa sheegay in warqadaasi laga helay Goobtii lagu khaarijiyay Hoggaamiye Usama Bin Laden

Shabakada ABC laga leeyahay wadanka mareykanka ayaa qortay in ay dowladda mareykanka warqadahaashi heshay xili hore balse ay ka gaabsatay in ay usoo bandhigto warbaahinta caalamka ugu afka dheer, warqada laga helay hogaamiyaha Al-qaacida oo ku xusnaa Masuuliyiinta iminka gacanta ku heysa siyaasada mareykanka oo ay ugu horeyaan :-

1-Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama
2- Madaxa xarunta sirdoonka dowladda mareykanka Ge: Devid Betraus

Dhanka xiga Masuuliyiintaasi mareykanka ayaa sheegay in ay Al-qaacida adeegsan rabtay Duyuuradaha qumaatiga u kaca laguna filiyo qaraxyada hayeeshe dowladda mareykanka ay arrintaasi ka hortagtay