Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Diyaaradaha Dagaal Oo Markale Duqeeyey Degaano Ka Mida Jubada Hoose

Wednesday - June 29, 2011

Kisimayo: Xigasho Somaliweyn - Wararka ka imaanaya Gobolka Jubadda ayaa sheegaya in Diyaarado dagaal ay mar kale duqeyn ka gaystay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo duqaymahaan la sheegay in lagu bar tilmaameedsanaayay gobo ay ku sugan yihiin xarakada Al-Shabaab.

Deegaanka Qooqani oo ka tirsan Gobolka Jubadda hoose ayaa la sheegay inay ku yaaliin fariisimo Shabaabku leeyihiin, waxayna dadka deegaankaasi ku dhaqan sheegeen in si aad ah uga cabsadeen duqaymaha Diyaaradahaasi.

Xalay saqdii dhexe ayay Diyaadahaasi duqaymo ka gaysteen Deegaanka Qooqaani, iyadoo dadka deegaanka Qooqani waxay u sheegeen saxaafadda  inay maqlayeen daryanka hubka kaasoo ay ridayeen Ciidamada Al-Shabaab ee halkaas ku sugan kadib markii diyaarado Helicopters ah ay duqayn halkaasi ka gaysteen.

Dhanka kale lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi ay fuliyeen Diyaaradahaasi, iyadoo Bartimaameedka Diyaaradahaasi ay ahaayeen fariisimo Shabaabku ku lahaa Deegaanka la duqeeyay oo ka mid ah Deegaanada Shabaabku ka taliyaan.