Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Waraaqo Digniin iyo Hanjabaad Ah oo Lagu Daadiyey Meelo Ka Mida Xaafadaha Gaalkacyo

Wednesday - June 29, 2011

Banaanbax looga soo horjeedo waraaqo lagu daadiyay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo lagu daabacay amarro iyo hanjabaadyo shaqada looga joojinayo shirkadaha korontada, ayaa waxa uu maanta ka dhacay dhinaca waqooyi ee magaalada.

Banaanbaxayaasha ayaa xiray dhamaan ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka ee magaalada, waxana ay ugu danbeyn hor istaageen xafiiska maamulka Puntland ee waqooyiga Gaalkacyo, iyagoo maamulka ka dalbaday in ay soo qabtaan cidii ka danbeysay waraaqaha hanjabaadaha ah ee la daadiyay.

Kooxo aan la garaneyn ayaa xalay waraaqo ku daadiyay magaalada Gaalkacyo, waraaqahaas oo lagu dalbanayay in shaqada ay joojiso shirkadda korontada NEPCO ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, hadii kalena la bar-tilmaameedsanayo.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa bam gacmeed lagu weeraray xarunta shirkadda korontada ee NEPCO,lamana qaban cidii falkaas gaysatay.

Magaalada Gaalkacayo ayaa mudooyinkaan dambe ka mida meelaha amaankeeda kana dhaceen Dilal iyo qaraxyo lala beegsanayo madaxda iyo dad ganacsto ah.