Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Xasuustiisaa Jirkaa Na Dubaaxsame Shiikh Muuse Xaashi Fiqi Allaha Ha U Naxariisto

Tuesday - June 28, 2011

Anagoo ah bahda Goldogob Times, Waxaan tacsi marka ugu horeysa aan hawada u marineynaa qoyskii, qaraabadii, eheladi iyo sokeeyihii aan anagu lafahaanteyda isku tirineeyno inaan ka mid na hay ee Shiikh Muuse Xaashi Fiqi u ka baxay, waxaanan Allaha weyn uga baryeynaa inu naxariistii jano fardwsa ka waraabiyo, anagana samir aan ka duugoobin naga siiyo

Shiikh Muuse Xaashi Fiqi oo aakhiru tahankii idanka Eebe ajashiisi ku dhamaatay magaalada  Gaalkacyo, intaan anigu ka xasuusanahay amase ka arki jiray waxuu ahaa shakhsi waxuu doonayo u qabta si daacadnimo iyo xilkasnimo oo alla ka cabsi badan .. waxuuna ahaa sidisaba raga ku fiican falkinta iyo ka shaqeynta cilmiga maamulka xafiisyada isagoo horaanti lixdamaadkii loo xil saaray dibu eegista xeerka maamul ay ku dhaqmaan milatarigi Somaali oo markaa curdanka ahaa, waxuuna gacan yare waqtigaa u wada noqday General Maxamed Siyaad, General Liqliqato iyo General Cali Xaashi oo intaba u ka habeeyey maamulki iyo diwaanadi xafiisyadi ay ku shaqeyn-jireen.

Shiikh Muuse oo inta badan qurbo ku raagay, dun wanaagna lahaa, waxuu ahaa halyey ku dhiiran daacadnimada dariiqi rasuulka oo u caan ku ahaa fidinta dacwada islaamka iyo la duubnaanta xuquuqda dadka masaakiinta ah .. allaha daayinow Shiikh Muuse janada meel san uga door oo fardooso daji Aamin Aamin Aamin