Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Hablo Reer Kuweyt Guur-doona Oo Ku Soo Socda Xagaa Iyo Puntland

Sunday - June 26, 2011

Haweeyney reer Kuweyt ah lana yiraahdo Salwa Madiiri ahna lobbyiste siyaasadeed abid ka hawlgasha la duubnaata doodaha daryeelka xaquuqda hooyoyinka gaar ahaan dumarka iska xoq-xoqta rag la'aan awgeed amase guumeysooba, ayaa iyadoo qorshaheeda jaangooyo u gogol xaareysa dabolka ka qaaday in dhawaan karantilki iyo cudurki Nin la'aanta dumarka reer kuweyt xal loo helay.

Aqoon-yahan Salwa Madiiri oo ah haweyney waxay dooneyso si xilkasnimo iyo daacad u qabata ayaa tiri dalkaan Kuweyt dumarkooda himad jab iyo murug badan ayaa ka haysta xaga guurka oo gunuunuc iyo il-qoolaadinta rag eegista ayaa badatay, waxaana dhacda in dumar deeq alle siiyey sida doolar, diinaar, dheeman iyo dahab ay rag xalaala waayaan oo ayba dhacdo in dumar badan sidaas ay guur la'aan ku gaboobaan, sidaa daraadeed ayey tiri Salwa waxaan wadnaa qorsho ay dumarka meelo ka baxsan Kuweyt ay Rag ka soo guursadaan oo is-baaradi guurka raga kuweyt oo kaliya lagu faruur xirnaan-jiray meesha ka baxdo iyagoo duunyo maaliyadeed ee arintaa ay ku furdaamiyaan gacanta ku haysta, mana laga doonaayo ragaas guursanaya wax lacag ah amase kharaj aan ka ahayn wax meher ku sheega haba- noqote Kaatun macdan ah oo 20 diinaar jooga.

Salwa ayaa tiri iminka shir ay wada qaateen dumar badan oo daneeya arintaas ayaa isku raacay in dibada rag laga doonto iyado la rajeynaayo in ay xakuumada Kuweyt xaajadaas indhaha ka ridin oo qabuul fasaxa guurkaas la xariira bixiso, waxayna intaa raacisay in tooshka lagu hayo oo la tagi-doono meelaha raga wanaagsan lagu sheego oo ay ka mid tahay dhinaca dalalka Eeshiyada qaarkood iyo dhinaca Somaaliya oo ay maabka gacanta kaga tilmaantay mandiqada Puntland oo ay tiri waxay leeyihiin Rag dhaqanka musllinka leh oo xashaashka iyo quruxdooda loo bogi-karo, laakiin inkasto ay tiri dalalkaas Eeshiya ee Ruushka dhinaca ku haya ayaan xafiisyo xiriirka iskaashi ka furaneynaa, hadana carabka kuma ay dhufan in ay xafiis wakiilo ka furan-doonaan dhinaca Puntland, amase ay wakiilan-doonaan wasaarada haweenka ee Punt-land.   

Salwa ayaa intaa si raacisay oo tiri dabcan raga laga doonaayo guurka waa inu leeyahay shuruudo ay ugu horeyso inu yahay muslim duceysan dhaga nugul aan shido iyo sheeko xumo lahayn, dhaqan wanaagsan leh,bakhiil aan ahayn, qurux meesha waa ku jirta, xaga cilmiga khasab ma aha mar hadu leeyahay aqoonta axkaamta salaada, maamuus wanaagsan caqli iyo waayo aragnimo, magaalo joogiisana aysan xumeyn,waana laga maarmaan in la mariyo caafimaad iyo asluubtiisa taariikheed dib loo raaco.