Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

US-Minneapolis: Hablo Somaaliyeed Oo Lagu Soo Eedeeyey Ka Ganacsiga Jirka Gabdhaha Yar Yar

Sunday - June 26, 2011

Booliska dalka Mareykanka ayaa waxa ay qabteen sadex kale oo haween Somaali oo loo haysto iney ku lug leeyihiin fadeexad kal hore soo wajahaday qaar ka mid ah Somaalida ku nool dalka Mareykanka ee ku saabsaneyd ka ganacsiga jirka ee gabdho yar yar oo aan weli qaan gaarin.

Sadexda haweenka Somalida ah oo magacyadooda lagu sheegay Xawo Cisman, ifrax Cabdi Yaasiin iyo Xamdi Axmed Maxamuud ayaa waxa la sheegaya iney booliska magalada Minneapolis ay qabteen oo dabadeed xabsiga dhigeen kadib markii lagu soo eedeeyey iney isku dayeen iney jirdil iyo handadaad u geysteen mid ka mida markhaatiyaasha muhimka ah ee kiiskaas ee loo haystay Somaalida oo magaceeda lagu soo gaabiyey MA arimo la xariira amaanka gabadhaas awgeed.

Ugu dambeynti iyado haweenkaas la hor geeyey maxkamada kiiskoodana garyaqaanada ka doodeen ayaa gabadha lagu magacaabo Xawo Cisman Axmed waxaa la sheegay in la sii hayn-doono loona gudbi-doono magalada Nashville halkaaso dacwadeeda ka sii socon-doonto .. halka labada kale la sheegay in kiiskooda la hakiyey inta ka horeysana lagu sameynaayo dhaqan-celin amase la baro hab dhaqanka wanaagsan ee bulshada .. Kiiskaan ayaa marka lagu daro sadexdaan dumara ayey tirada guud ee dhaqan xumida loo haysto ay gaarayaan tiro ahaan 30 Qof in ka badan oo gobolka Minnesota kaliya.