Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Reer Milano Oo Daryeelka Masaajidada U Gurguurtay Iyo Berlaskoni Oo Ciil Aawdi La Dhaqan Madoobaaday

Friday - June 24, 2011

Roma: Raiisal Wasaaraha Talyaniga Mr. Silvio Berlusconi isagoo sidi Fashiistihi Benito Mussolini bakhleynaya Calaacal qaylo dhaan, gacanta kor u baacinaya, si xun wax u sheeg iyo qiirad hadala xumi uu la fogaaday, la mooday dagaalki labaad aduunka ka qayb galaya, ayuu ka digay in magalada Milano ay ku socoto jidki isma waabi-yaasha islaamka oo la ogyahay ayuu yiri  muslimiinta, inaanu isku aragti iyo ujeedo toona-ahayn, mana nihin isku kalgacal iyo naxariis-toona, balse ay nala gaadayaan  miciyo laaban oo waabaayo leh, isagoo intaa si raaciyey in sanadka 2015 magaaladaas Milano hadaan laga hortagin qorshahooda ayba noqon-doonto xarun islam, dabadeed murankoodana iyo dus-duskooda u si gurguurtaan dalka talyaaniga gabi-ahaantiisaba, waxuuna Mr. Berluskoni arintaa sabab uga dhigay kana carooday Masjidka weyn oo magaladaas laga dhisayo oo ogalaanshihiisa ay ka dambeyaan xisbiga bidixda " Italian Centre-left Party madaxna ka yahay Mr. Pierluigi Bersani oo isagu muhaajiriinta cod-kooda rabo inu ku guuleysto.

Waxaa iminka magaalada Milano ka socota olole lagu tartan-siinaayo doorashada duqa magaalada Milano oo la filayo iney dhacdo 29-30 bishan June, sida la sheegana waxaa gacan sareeya oo raga ka soo horjeeda quusin-doona Ninka la yiraahdo Mr.Geliano Biasba oo isagu ka socda xisbiga central-left oo la filayo boqlkiiba 48% inu ku guuleysto,halka axsaabta kale guud ahaan markii la isku daro ay heli-doonaan baqolkiiba 42% .. sida la sheego tirada muslimiinta ku nool dalka talyaniga waxaa lagu qiyaasaa sadex milyan oo laba ka mida ay ku nooshahay magalada la yiraahdo Milano, waxaana horumarka xisbiga bidixda keenaya ayaa la leeyahay dadka Muhaajiriinta oo u badan muslimiinta oo xisbigaas taagersan, iyado cod-bixintooda dhinaca munishipiyada  aysan  ku xirneyn inu yahay muwaadin dhalasho haysta, balse aqoonsi deganaasho laga rabo oo kaliya.