Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Weerar Lagu Qaaday Degaanka Xeebta Qandal Ee Kisimayo

Friday - June 24, 2011

Al-Shabaab waxa ay khatar weyn ku hayaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya Wararka ka imaanaya Magaalada Kisimaayo ayaa sheegaya in laba diyaaradood ay weerar ku qaadeen Saldhig kooxaha kacdoonka wada ay ku leeyihiin magaalada dhinaca xeebta qandala Kismaayo, waxaana warku sheegaya in halkaas dhawr nin oo ka tirsan al-shabaab ay halkaas ku halaagmeen, iyado la xusay in dhimashadu u ku jiro Nin dhalashadiisu tahay Suudaani.

Inta badan badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya waxaa maamula kooxda Islaamiga ee  al-Shabaab. .. Afhayeen u hadlay kooxda al-shabaab ayaa sheegay in laba ka mid ah asxaabtiisa inay ku dhaawacmeen weerarka, isla markaana diyaaradaha soo weeraray ay ahaayeen Mareykan iyo Faransiis.

Warar kale oo laga helay dhinaca reer galbeedka ayaa sheegaya in ugu yaraan 15 qof lagu dilay weerarkaas. Saldhiga la weeraray u ahaa meel ay joogaan dagaal-yahaniinta ajanebiga ah ee la jooga ama ka barbar dagaalama kooxda al-Shabaab.