Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Nin Miino Dhigaayey Gudaha Laascaanood Oo Madaxa Ka Toogtay Gabar Arkeysey

Thursday - June 23, 2011

Laascaanood: Nin la tuhunsan yahay inuu xalay miino dhigay goob ku taal koonfurta magaalada Laascaanood, ayaa madaxa ka toogtay gabar dhallinyaro ah oo arkaysay, taasoo ku geeriyootay isla goobtii ay taagnayd.

Sida ay xaqiijiyeen dad ka soo jeeda degaanka magaalada, marxuumadda dhimatay ayaa aragtay nin taagan goob ku taal Koonfurta magaalada Laascaanood, kaasi oo markii uu dareemay in gabadhu ka shakiday intuu madaxa ka toogtay dabadeed ka cararay goobta dilku ka dhacay, halkaaso shilkasi kadibna ay meesha tageen ciidamo ka tirsan saldhiga booliska ku yaal Koonfurta Laascanood.

Waxa muddooyinkii u dambeeyey ka dhacay magaalada Laascaanood qaraxyo miino oo khasaare gaystay, iyada oo qaraxii u dambeeyey toddobaadkan lala beegsaday saldhig boolis oo ku yaal Laascaanood.