Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Digtoor Cabdiweli Oo Loo Magacaabay Raiisal Wasaaraha Somaaliya

Thursday - June 23, 2011

Muqdisho:Xaflad heer sare qaaya leh loona soo agaasimay si wacan kana soo qeyb galeen Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh Axmed, iyo Shariif Xasan sakiin, waxaana halkaas ku weheliyey oo goobta joogay Ra’iisul Wasarihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo, halkaaso maanta Madaxweynaha Soomaaliya  Shiikh Shariif goobtaas u kaga dhawaaqay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Dr. Cabdi Wali Maxamed Cali.

Mudane Digtoor Cabdiwali oo horay u ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeeen iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo Xiriika Caalamiga. Waxaa uu horayna ka ahaa Professor Jaamacada Niagara University oo ku taala gobolka New York.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban  ayaa waxaa uu ka heystaa MA iyo Ph.D Jaamacada weyn ee Harvard University qeybta Kennedy school  of Government iyo George Mason University.

Madaxweynaha ayaa halkaas ka jeediyay qudbad kooban oo kula dardaarmay Ra’iisul wasaaraha cusub, isagoo  ka dhawaajiyay in looga fadhiyo sidii wax uu ugu qaban lahaa dalka Soomaaliya.

Isla markaa Sidoo kale Shiikh Shariif waxuu mahad u celiyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxuuna ku amaanay taladi u tix galiyey ee xilka isaga casilay.