Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

C/risaaq Jurille: Heshiiska Kambala Khasab Inu Ku Hirgalo Waa La Damaanad Qaaday

Wednesday - June 22, 2011

By M. Xuurshe: Xildhibaan Prof. C/risaaq Maxamed Jurille oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka KMG ah ayaa si qoto dheer uga hadlay heshiiska labada Shariif ee ka dhacay magaalada Kampala,

Isla markaana codkiisa ku biiriyay aragtiyaha kala duwan ee madaxda hay'adaha Dowladda KMG ah iyo shacbiga Soomaaliyeed ay u arkaan heshiiskaasi iyo qodobadii ka soo baxay.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Prof. C/risaaq Jurille inuu isagu qabo aragti ka duwan xubnaha Golaha Baarlamaanka, waxa uuna sheegay in heshiiska Kampala uu la micno yahay Tashan weydaye waa laguu talin.

Xildhibaanka aqoonyahanka ah isla markaana ruug cadaaga siyaasadeed iyo aqooneed C/risaaq Jurille waxa uu sheegay inuu isagu aad ula yaaban yahay kuwa heshiiska Kampala mucaaradaya ee iyagu ka tirsan Dowladda KMG ah isla markaana ku sifeynaya in dalka uu gelinayo gumeysi cusub.

"Kuwa diidaya heshiiska Kampala xagey jireen markay taladu agtooda tiilay kuna guuleysan waayay inay go'aan ka soo saaraan khilaafka madaxda sare" ayuu isweydiiyay Xildhibaan Jurille oo dhinaca kale sheegay in siyaasiyiinta iyo dhinacyada la kala safan Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan inay khilaafkooda soo kala dhex galaan.

Waxa uu sheegay inay nasiib darro tahay in la waayo qof wadani ah oo ka hortaga wax kasta oo jiritaanka Qaranka iyo Dowladnimada ka hortagaan khilaafka madaxda sare si ay horay ugu sii socoto xukuumadda KMG ah.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Prof. Xildhibaan Jurille in markii la waayay Soomaali talo mideysan gaari karta oo fulina karta wixii ay ku heshiiso ay khasab noqotay in magaalada Kampala ay ku soo heshiiyaan, waxaana heshiiskaasi daamanad qaaday madaxda dalalka daneeya somaaliya