Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Bilayska Ingiriiska Oo Baacsanaya Laba Nin Oo Qoorta Ka Jaray Xaasaskoodi

Tuesday - June 21, 2011

Bilayska dalka Ingiriiska, ayaa ku daba jooga laba nin oo la rumaysan yahay inay qoorta ka jareen dumarkoodi ay qabeen. Mr. John oo da’diisu tahay 39 jir, kana soo jeeda gobolka Wales ee Ingiriiska, ayaa qoorta ka jaray haweenaydiisi Susan Mcway oo da’deedu tahay 24 jir, kana soo jeeda London markay taariikhdu ahayd 14 September 2010kii .. halka Jim F. Anderson oo 42 jir ah la rumaysan yahay in uu xaaskiisii Nancy Anderson la beegsaday laba xabadood, iyada oo ku sugan duleedka kulliyada beeraha ee bariga magaalada Susex ee England, bishii February 2010, iyaga oo qoys ahaan ka soo jeeda Bristol .. Siday dhawaan qortay jariidadda Daily Mail ee ka soo baxda magaalada London, booliska ayaa aamminsan in raggani yihiin eedaysanayaal ku dhuumalaysanaya dalka gudihiisa.

Bilawgii sannadkan waqti ku beegan dhammaadkii bisha January 2011 ayaa booliska London ku hareereeyeen aqalkii uu ku jirey John Smith, haseyeeshee dagaal rasaas la isku  adeegsaday, waxa dhaawac khatar ahi ka soo gaaray mid ka mid ah ciidanka bilayska iyo baabuur ay leeyihiin dad rayid ah, halkaas oo John uu ka baxsaday gacanta bilayska.

Sida ay daabacday Daily Mail, John ayaa horraantii qarnigan qoortaa ka jaray nin u dhashay dalka Fitnam oo adeege ka ahaa shirkad caymis oo ka shaqaysa bariga magaalada London.

Sarkaal u hadlay bilayska ayaa sheegay in hawsha bilayska u taal ay tahay sharciga oo la horkeeno dhagarqabe kasta oo ka dhuumalaysta sharciga.

Teunent Laura Harmes, waxay sheegtay in kuwan iyo kuwo la mid ah ay wareegaa-laysanayaan adduunka iyo Ingiriiskaba, balse ay noqon doonaan kuwii aakhirka sharciga la hor keeno.

Ingiriiska ayaa ah dalka 2aad ee caalamka ay ka dhacaan dilalka dumarka iyo carruurtu, halka ay dal 3aad uu yahay Kolambiya, Japan waxa uu galay 14aad, South Afrikana 35aad.