Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Sir La Helay: Shariif Sakiin Oo Kontadiisa Dubai Kala Baxay 5milyan Si Hawsha Farmaajo U Kala Tuuro

Monday - June 20, 2011

Kadib Iscasiladii Ra’iisal Wasaare Faramaajo,ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya si kastaba ha ahaate in ay guushu raacaday Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aaden, kaas oo si weyn u doonayay in wajigiisa laga hor wareejiyo Raisalwasaare Faramaajo,isgoo geed dheer iyo mid gaaban u fuulay,

isla markaa,waxaa la sheegay in shariif Sakiin kontadiisa xisaabaadka magalada Dubai ugu tiilay kala baxay 5 milayn oo Dolar si uu hawsha farmaajo u kala tuuro, taas maalmahaan dambe Maxamed Faramaajo ku adkeysanayay in uu hortegi doono Baarlamaanka kuna qancayo go´aanka la xariira is-casilaadiisa, waxaana dhacday in biishan 18kii jun 200  xildhibaano ah ka si fariisteen arinta is-casilaada iyagoo la sheegay iney diidanaayeen go'aanki Kambala kuna balameen in barlamaanka la furo codna la qaado

Kolkii furitaanka Barlamaanka laga dhageystay idaacadaha iyo Telefishanada,ayaa Shariif Sakiin waxaa uu bedelay farsamadi shaxdiisa,wuxuuna arintaas si deg deg ah ugu bedelay in inta aan la horgeyn Baarlamaanka in xoog laaga xayuubiyo Xilka Maxamed Farmaajo Dalkana si dhaqso leh uga baxo, isagoo adeegsaday lacag u siiyey madaxda Ugaandheyska iyo masuullin la sheegay iney IGAD ka tirsanyihiin, waayo Gudoomiyaha Barlamaanku aad buu uga dheregsanaa in hadii barlamaanka la horgeeyo in uu guuleysan lahaa Faramaajo oo ugu yaraan heli lahaa 350 Codka xildhibaanada

Waa ayaan darao u soo hoyatay umada Soomaaliyeed waayo shumicii iftiinka ee u soo Bidhaamay ayaa laga demiyay .. waana nasiib daro in Madaxweynaha oo heerka Aqoontiisa la yaqaano oo uu mar walba ka amar qaato Nin isaga dhan faalso ah oo aan Aqoontiisa Dhaafsiisneyn danaha musuq-maasuqa .. ugu danbeyn Shariif Sakiin waa guuleystay markay u shaqeysay farsamadiisi xumeyd, waase la arki-doona halka ay ku dhanbeyso aragtida guracan ee Shariif Sakin iyo sida looga guuleysan-doono mucaaradka oo fara baas ku haya jiritaanka Qaranka Somaaliyeed