Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Labadi Shariif Oo Mar Kale Indhaha Isu Gaduudiyey

Monday - June 20, 2011

Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sakiin ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii magaalada Kampala ay ku soo heshiiyeen waxaa soo kala dhex galay khilaaf hor leh, kaasi oo ku saabsan Ra'iisal Wasaaraha cusub ee uu Madaxweynuhu soo magacaabayo oo uu ka biyo diiday Guddoomiye Shariif Xasan.

Sida ay sheegayaan wararka hoose oo aan ka xiganay web.Somaliweyn oo iyadana wax ka soo xigatay xarunta madaxtooyada Villa Somalia oo maanta ay ka dhaceysay xaflad la doonayay in Ra'iisal Wasaare loogu magacaabo C/Weli Gaas oo isagu ahaa Sii hayaha xilkaas, taasi oo uu ka horjeestay durba magacaabisteeda Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Shariif Xasan uu isaga tegay goobtii ay ka dhaceysay munaasabadda caleema saarka Ra'iisal Wasaaraha cusub, isagoona sheegay in arrintaasi ay kulan gaar ah ka yeelan doonaan Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Dhinaca kale Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa isagana dhinaciisa waxa uu si weyn uga xummaaday diidmada durba ka timid Shariif Xasan oo isagu shuruud uga dhigay heshiiskii Kampala inuu is casilo Ra'iisal Wasaare Farmaajo, hadana diidan Ra'iisal Wasaarahaan cusub ee la soo magacaabayo.

Warar hoose oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in labada Shariif uu iminka soo cusboonaaday khilaafkooda, inkasta oo Shariifka Baarlamaanka uu isagu doonayo in ra'iisal Wasaaraha laga soo magacaabo degaanada Puntland, uuna doonayo in loo madax banneeyo xulitaanka shaqsiga qabanaya jagadaas.