Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Maxamed Farmaajo Oo Isaga Tagay Shaqadi Xilkiina Ku Si Wareejiyey Ku Xigeenkiisi Cabdi-Weli

Sunday - June 19, 2011

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay kana dhacday xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisal Wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), iyadoo xilka Ra'iisal Wasaarenimo ee Md. Farmaajana uu shaaciyay maanta inuu iska casilayo.

Ra'iisal Wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad kooban ka jeediyay halkaasi ayaa ugu horeyntiiba u mahad celiyay dadweynaha Soomaaliyeed ee bannaanbaxyada ku taageeray, sidoo kale waxa uu u mahad celiyay Golihiisa Wasiirada iyo ciidamada qalabka sida sida ay ula shaqeeyeen mudadii uu xilka hayay.

"Waxaan iska casilay xilkii Ra'iisal Wasaarenimo ee aan ka hayay Dowladda KMG ah anigoo eegaya xaaladda wadanka uu ku sugan yahay iyo danta dadka Soomaaliya" ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Farmaajo oo sheegay inuu isagu la sii shaqeyn doono Dowladda KMG ah isla markaana aanu sidaasi isaga tegin Dowladda KMG ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sh. Axmed ayaa isna halkaasi ka jeediyay khudbad uu uga hadlay waxqabadka Ra'iisal Wasaare Farmaajo, isagoona sheegay inuu ahaa shaqsi mudadii uu xilka hayay muujiyay waxqabad iyo karti.

Sida la xaqiijiyey Maxamed Farmaajo waxa is casilaadiisa sabab u ahayd ayaa la yiri handadaad uga timi xaga dawlada Ugaandha oo u soo fartay General Aronda oo ah taliyaha guud ee ciidamada Ugaandha oo iminka Jooga Mogdisho