Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Qoys Somaali Ah Oo Hotel Ku Haysta Duledka Magalada Manila Ee Dalka Philippine

Saturday - May 21, 2011

Wargeyska Glof News, ayaa dhawaan waraystay nin Soomaali ah oo hotel hurdo iyo cunto isugu jira ku haysta cirifka galbeed ee qaaradda Eeshiya amase dalka Filibiin (Philippine).

Wariye ka tirsan wargeyskan oo booqday magaalada Manila ee xarunta dalkaas, ayaa la kulmay Maxamed Cabdi Xirsi (Jaambaluul) oo ku dhashay magaalada Burco sannadkii 1969kii,.

Wariyahan oo la yiraahdo Taghwaad Marchid waxa uu ninkan Soomaaliga ah weydiiyey xaaladiisa guud iyo halka u dalka Filibiin ka soo galay markii hore.

Maxamed Xirsi oo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yiri; “Anigu waxaan ahay Somaali, kana soo jeeda magaalada Burco. Aniga iyo shantayda carruur ah (2 hablood Habboon iyo Sucaad iyo saddex wiil Ibraahim (Hadraawi), Xirsi iyo Cabddillaahi) iyo xaaskayga Ekwi Maxamed aad ayaan u ladanahay.

Halkan waxa yimi aabbahay markay taariikhdu ahayd 1974kii aniga oo waqtigaas aad u yar, waxana uu kaga degay markab uu lahaa nin iminka dhintay, dalkana madax ka noqday, kadib walaalahay oo afar ahaa inan dhimatay mooyee, saddexdii kale way nool yihiin (Xaashi, Cabdinaasir iyo Canab), waxayna kala joogaan London iyo magaalada Delhi ee dalka Hindiya.

Wariye Taghwaad waxa uu markale waydiiyey waalidiintii iyo xaaladooda, waxaannu ku jawaabay; “Hooyaday Safiya way joogtaa weyna wanaagsan tahay, balse aabbo Aadan wuxuu ku dhintay magaalada Dubay sannadkii 1989kii, halkaas oo uu hawlo ganacsi u joogay waqtigaas.”

Waxaannu wariyihii weydiiyey Maxamed hawshii aabbihii hayey cidda qabatay, isagoo taas ka jawaabayeyna waxa uu yiri; "Aad ayaad u mahadsan tahay, markii hore walaalkay oo iga weyn ayaa qabtay oo  markaas isagu Dubay deggenaa, balse iminka waxa uu u guuray magaalada London ee dalka Ingiriiska sannadkii 2001kii, badanaana hawlahii ganacsi waa soo koobmeen, aniga ayaase dusha u ritay oo haya.”

Waxa uu wariye Taghwaad waydiiyey Maxamed inuu ilaa hadda dalka Somaliya tegay iyo inkale, waxaannu ku jawaabay; “Haa, aad ayaan ula xiriiraa qoyskaygii, asxaabta iyo dhammaan dalka. Laba jeer aniga ayaa tegey oo kala ah 2001kii iyo 2004kii, iminkana xajka dhaw ayaan jecelahay in aan hooyaday geeyo Burco,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Maxamed Aadan oo uu u warramayey weriye Taghwaad oo ka hawlgala wargeyska Glof News.