Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Minneapolis:Wiil Somaaliyeed Oo jacaylka Hooyadi U Qabo Qayb Ka Mid Ah Beerkiisii U Jaray

Thursday - May 19, 2011

US-Minneapolis: Wiilkaan waa nin wax ka barta waddanka Mareykanka magaaladiisa Minneapolis,wxaana uu wax ka bartaa jamacada halkaas ku taal qaybteeda daawada .. magaciisa waxaa la yiraahdaa Ibraahim Wacays,waxaana uu qaliinku ka dhacay Isbitaalka Meyer-Clinic ee magaalada Rochestar, iyado uu socday Qaliinkaasu Sideed Saaccadood "8hrs" .. Waxana hadda labada qof oo isbad-baadiyey ilaahay ayaa wax bad-baadiyee xaaladooda caafimaad aad iyo aad ayey u wanaagsan tahay,waxayna muujinaysaa wiilkaas ardayga ah oo awooday inuu hooyadiis Beerkiisa qayb ujaro Baarinimo iyo geesinimo intu ka qabo.

Mudo waxa la maqli jiray qof baa Beerkaa laga bedelayaa oo uu qofku mudo sugi jiray ama dhaqaale uusan awoodin lagu qali jiray marka Ibraahim wxaa uu maanta Somaali uu tusay inuu qof walba isagu uu xubnihiisa muhiimka ugu deeqi karo waalidkiis iyo eheladiis waana wax ku dayasho mudan,waxaana arinkaan wiilka ku si dhiirigaliyey aqoontiisa wax barasho dhinaca daawada ee Jaamacada Minneapolis oo u yahay qof aqoon u leh .. xaaladooda caafimaad hada wey wanaagsan tahay,waxaan uu wiilku ku jirayaa Isbitaalka Toban-Beri "Ten-days".

Hooyaduna waxay ku jiraysaa haddii ilaahay idmo mudo dhan kow iyo labaatan beri "21-days" .
waxana ilaahay uga baryeynaa inuu caafimaad iyo ajar iyo xasanaad siiyo wiilkaas baariga ah.