Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Midowga Afrika Oo Saraakiil Ciidan Iyo Khubaro Milatari Mogdisho U Soo Diray

Thursday - May 19, 2011

Addis-Ababa:-Golaha amaanka iyo midnimada qaarada afrika ee saldhigoodu yahay magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalka Ethiopia ayaa maalmihii la soo dhaafay magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya geeyey saraakiil ciidan iyo khuburo dhanka milatariga ah u daadgureeyey kuwaas oo ka qeybgalaya howlaha amaan soo celinta ee midowga afrika uu sheegey inay ka wadaan magaalada dhibaataysan ee Muqdisho.

War-murtiyeed kasoo baxay xafiiska golaha amaanka iyo midnimada qaarada afrika ayaa si rasmi ah loogu shaaciyey in bilowgii todobaadka ay Muqdisho gaareen saraakiishan oo uusan warmurtiyeedku cadayn wadamada ay u kala dhasheen iyo tiradooda rasmi ah, balse waxaa lagu sheegey warmurtiyeedka in ay tani qeyb ka tahay howlaha uu midowga Afirka ka hayo magaalada Muqdisho oo sanadihii lasoo dhaafay ay dawlad taagdarani ka jirtay.

War-murtiyeedka kasoo baxay midowga Afrika waxaa lagu sheegey in ka sokow saraakiishan ciidan ay jiraan shaqaale haya darajooyin sare oo caalami ahi inay iyana Muqdisho tageen islamarkaasna ay gacan siin doonaan hay’adaha dhanka maamulka ee dawlada kumeel gaarka ah, iyadoo war-murtiyeedka lagu sheegey in khuburada dhanka milatarigu ay qeyb ka noqon doonaan barnaamijyo lagu xalinayo amaanka guud ee caasimada dalka Soomaaliya.

Warkan ka soo baxay midowga Afrika ayaanan lahayn faahfaahin dheeraad ah oo ka hadlaysa saraakiisha iyo shaqaalaha uu midowga Afrika u diray caasimada Muqdisho oo mudo dheer ay dagaalada iyo xasuuqa shacabka ka ahaayeen howl iska caadi ah, dawlada kumeel gaarka ah oo ay APL la xiriirtayna dhankeeda waa ay ka gaabsatay, Waxaase ay tagayaan xili ay dawlada kumeel gaarka ah muqdisho ka haysato xaafado kooban oo islamarkaansa ay ciidamo huwan magaca afrika oo kumanaan ahi iyo kuwa dawladu ku guulaystaan inay mar un Muqdisho xataa kala barkeed qabsadaan, waxaana taas dheer mushaar la’aan joogto ah oo ay ciidamada dawladu ka cawdaan Iyo khilaafaad ragaadiyey dhamaan shaqooyinkii dawlada oo joogto ka ah madaxda dawlada Kumeel gaarka ah oo imika midkasta uu ku jiro difaacista kursigiisa iyo waqti kororsi aan sharci ku dhisnayn.