Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Magacyadaan Mid Ka Mida Oo Lagu Wado Inu Badali-doono Hogaamiyihi Al-Qaacida Osama Bin Ladin

Wednesday - May 18, 2011

Ka dib dilkii hogaamiyihii shabakada Al-Qaacida Cusaama Bin Ladin oo lagu diley dalka Pakistaan 2-dii bishan May  ayaa waxaa wali la sugayaa cidii badali laheyd oo ay magacaaban Al-Qaacida.

Hay’adaha dhanka sirdoonka & quburada arimaha la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ayaa goor sii horeysay waxay sheegeen inay mudo qaadan doonto magacaabista ninkii badali lahaa Osaama iyagoo taasi u sababeey dhawr arimood oo kala ah.

1: Al-Qaacida oo dib u habeyn ku sameynaysa hawlaheeda maamulka, mukhaabaaradka, dhaqaalaha, military-ga iyo laamaheeda kala duwan ka dib dilkii Osama Bin Ladin taasina ay ugu weyn tahay xog badan oo la xiriirta hawlahooda oo u gacan gashay sirdoonka Mareykanka taasi oo badalkeeda waqti qaadan karta.

2: Al-Qaacida madaxdeeda oo la aaminsan yahay inay badalan doonaan xarumihii ama fariisamihii ay lahaayeen madaxdeeda, isla markaana aanay dhici karin in ay si sahal ah isagu yimaadaan goob amaan ah oo ay ku nabad galaan taasi oo ay ugu wacan tahay xogta sirdoonka Mareykanku heleen oo ay tahay 100% in Al-Qaacida dib u habeyso xogteeda iyo xarumaha madaxdeeda.

3: Ninka badali doona Osaama oo ay dhici karto in uu keeno muran waqti qaadan kara iyadoo ay jirto in Al-Qaacida hogaankeedu ay goor sii horeyseyba u muuqanayaan in ay u kala safan yihiin hogaamiyeyaal Carab ah iyo kuwa aan Carab aheyn.

4: Hogaamiyeyaasha Carabta lafahaantooda oo u muuqanaya in ay ku kala fadli badan yihiin hogaanka kooxda, waxaana soo baxaya xan hoose oo sheegaysa in hogaamiyeyaasha Al-Qaacida ee ka soo jeeda Sacuudiga ay aaminsan yihiin inay xaq u leeyihiin hogaaminta Al-Qaacida.

Hadaba arimahan ayaa la oran karaa waa kuwa ilaa iyo haatan ay u xayiran tahay magacaabista cidii badali laheyd hogaamiyihii Al-Qaacida Osaama Bin Ladin, waxaana qoraalkan ku eegi doona ragga ilaa iyo haatan farta lagu fiiqayo inay u sharaxan yihiin jagadaasi.

1: Ayman al Zawahiri: waa dhakhtar u dhashay wadanka Masar wuxuu ku dhashay magaalada Qaahira 19-kii June sanadkii 1951-dii.

2: Saif al Adel:

Waxaa kale oo uu leeyahay magacyada  Muhammad Ibrahim Makkawi, Ibrahim Al-Madani , Omar al-Sumali wuxuu u dhashay Masar, xiliga uu dhashay waxaa ku jira shaki taariikh ayaa qoraysa 1960 halka ay jirto mid kale oo sheegaysa 1963-dii, laakiin 11-ka April ayaa la hubaa oo ah bisha iyo maalinta uu dhashay.

Saif al Adel wuxuu ka tirsan yahay golaha shuurada Al- Qaacida (majlis al shura of al-Qaeda) sidoo kale wuxuu xubin ka yahay gudiga military-ga ee Al-Qaacida, waxaa la sheegaa in uu ku lug lahaa weerarkii lagu diley madaxweynihii hore ee Masaarida Anwar Al-Saadaat, waxaa jirta warar sheegaya in uu kaalin weyn ku lahaa tababarida iyo u gudbinta wararka sirdoonka  kooxaha Islaamiyiinta ee wadamada Masar, Afgaanistan, Sudan iyo Somalia.

Warar dhanka sirdoonka ayaa sheegaya in uu ka qayb qaatey dagaalkii Muqdisho ku dhexmarey ciidamadii Mareykanka iyo xoogagii daacada u ahaa Jen. Caydiid sanadkii 1993-kii inkastoo aanay jirin cadeymo arimahaasi xaqiijinaya.

Warar kale ayaa sheegaya in uu ka aasaasay deegaanka Raaskambooni ee ku dhaw xuduuda Soomaaliya ay laleedahay Kenya xero lagu tababaro kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya.

3-Abu Yahya al Libi, wuxuu leeyahay magacyo kala duwan sida Hasan Qaiid (Hasan Qayad ama Hassan Qayid) iyo Yunis al-Sahraw, sidoo kale waxaa loo yaqaan Hassan Qaed al-Far,


4-Sa’ad bin Osama bin Muhammad bin ‘Awad bin Laden:

Waa wiilka sadexaad ee wiilasha Osaama Bin Ladin wuxuu dhashay sanadkii 1979-kii bisha iyo maalinta lama hayo, sanadihii 1991-kii ilaa 1996-kii wuxuu Aabihiis la joogay wadanka Suudaan xiligaasi oo Osama laga musaafuriyey wadankiisa Sacuudiga.

Markii Aabihiis uu u guurey Afgaanistaan wuu sii raaciyey, isagoo 16 sano jir ah ayaa waxaa wadanka Afgaanistan ku wareystey wariye Hamid Mir oo u dhashay Pakistan isla markaana wax ka qora arimaha waxa loogu yeero argagixisada su’aal uu waydiyey Hamid Sacad Bin Ladin ayaa aheyd isagoo xiligaasi qori AK 47 ah sita “Ma Raacaysaa dhabaha Aabaha uu qaadey? Sacad wuxuu ku jawaabay, “maya ma raacayo ee waxaan raacayaa dhabaha Rasuulkeena CS”.

Sacad Bin Ladin waxaa loo badinayaa in uu noqonayo hogaamiyaha Al-qaacida oo uu badalo Aabihiis, iyadoo ay dhici karto in sidaasi loo sameeyo sababo ay ka mid tahay in magaca Bin ladin aanu harin ama minguurin oo aanu ka dhextirmin shabakada Al-Qaacida & dhagaha Aduunka oo sidiisa u taagnaado, waxaana loo badiyaa in ay sidaasi ku gaaran go’aan madaxda Al-Qaacida.

5- ilyas Kashmiri:

Laakiin in la helo hogaamiye aan Carab aheyn ayaa ah mid meesha ku jirta iyadoo ay jirto guux weyn oo ka soo baxaya hogaamiyeyaasha Al-Qaacida oo aaminsan in xiligan ay tahay in madaxa Al-qaacida uu noqdo nin ka soo jeeda wadamada aan Carabta aheyn, waxaana taasi ay muujinaysa in uu fursad haysto Ilyas Kashmiri.

Ilyas Kashmiri waxaa kaloo loo yaqaan magacyada Maulana Ilyas Kashmiri, & Muhammad Ilyas Kashmiri wuxuu dhashay 10-kii bishii February sanadkii 1964, wuxuu ka soo jeedaa gobolka Kashmir ee ay ku muransan yihiin Hindiya iyo Pakistaan .. Ilyaas wuxuu madax u yahay ururka Harkat-ul Jihad Islami (HUJI), laakiin tan iyo markii uu dhisay guutada 313 wuxuu ka mid noqdey hogaamiyeyaasha muhiimka ah ee Al-Qaacida.

6-Anwar al-Awlaki:

Anwar al-Awlaki oo ku dhashay magaalada Las Cruses ee Gobolka New Mexico ee wadanka Mareykanka 22-kii bishii April sanadkii 1971 waa hogaamiyaha Al-qaacidada gacanka Carbeed waa nin haysata dhalashooyinka Mareykanka iyo Yemen, wuxuu ka mid yahay ragga la filan karo in ay badalaan Cusaama Bin Ladin.

7-Abdullah Ahmed Abdullah:

Abdullah Ahmed Abdullah oo sidoo kale loo yaqaan Abu Mariam, Abu Mohamed Al-Masri, iyo  Saleh, ama Saleh Gamal waa Masaari wuxuu dhashay sanadkii 1963-dii waxaa loo haystaa in uu ku lug lahaa weeraradii qarax ee lagu qarxiyey safaarada Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania waxaa kaloo jira warar sidoon oo sheegaya in uu Soomaaliya tagey oo uu ka qayb qaatey tababaro.

8-Adnan Gulshair el-Shukrijumah

Adnan Gulshair el-Shukrijumah Waxaa kaloo loo yaqaan ʿAdnān Shukrī Jumaʿah Adnan lama hayo halka uu ku dhashay laakiin wuxuu dhashay August 4, 1975) wuxuu ku koray gobolka Florida ee dalka Mareykanka oo ay degan yihiin qoyskiisa, sanadkii 2003-dii ayuu ku soo baxay liiska FBI-da ee dadka lagu tuhmayo falalka argagixisada waxaana lagu soo oogay in la soo qabto, ilaa iyo xiligaasi wuu baxsanayaa.

9-Adam Yahiye Gadahn:

Adam Yahiye Gadahn waxaa kaloo loo yaqaan Ādam Yaḥyā Ghadan wuxuu ku dhashay Oregon oo ka tirsan Mareykanka 1-dii bishii Septmber 1987d-ii, waa wiil ay dhaleen qoys Kirishtaan & Yuhuud ahaa, waxaana awowgiis uu ahaa Yuhuud.

Intii aanu muslimin waxaa la oran jirey Adam Pearlman,Awowgiis waa Musikiiste caan ahaa oo lagu magacaabi jirey  Philip Pearlman.

Adam Yahiye Gadahn isagoo 17 sano jir ah ayuu Islaamay isagoo ay ku bidey neecowda Islaamniyada isagoo yar, sanadkii 1995-kii ayuu Islaamay.

Sanadkii 1998-kii ayuu ku biiray Al-Qaacida waxaana uu la tagey halkaasi aqoontiisii dhinaca farsamada IT-ga (Information Technology) sidoo kale arimaha warbaahinta ayuu u lahaa aqoon waana taasi mida keentey inuu Osaama Bin Ladin u noqdo la taliyaha warfaafinta.

Adam waxaa kale oo uu noqdey afhayeenka Al-Qaacida isagoo soo saari jirey fariimaha muuqaalka & maqalka ah ee hogaamiyeyaasha Al-qaacida.

Adam fursdaha uu haysto waxaa ka mid ah aqoontiisa, isagoo luuqado badan yaqaan, firfircooni uu ku dhexyeeshay Al-Qaacida tan iyo markii uu ku soo biirey, Osaama Bin ladin wiilashiisa oo ay isagu dhawyihiin, isla markaana kalsooni badan uu ka haystey Osama."