Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Reer Laascanood Iyago Isticmaalaya Khidadihi Reer Ciraaq Oo Maanta Miino Qaraxa Geystay

Tuesday - May 17, 2011

Dadka reer Laascaanood ee iyagu ka soo horjeeda Maamulka Somaliland ayaa waayahaan dambe qaaday talaabooyin aad moodo iney kaga dayanayaan dagaal-yahaniinta reer ciraaq taaso ay si gaar u ugaarsadaan dadka maamulka  Laascaanood haya ee uga wakiil ah dawlada amase xita tuhun mushaarba hadu ka qaato la dilo,waxaana mooda in xeeladahaas cusubi ay isticmaalayaan reerayooga degaankaas ay walwal ku dhalisay dawlada Siilaanyo oo arinta si ay u maareyso la'dahay

Maanta ayaa miino lagu aasay waddo muhiim ah oo ku taalla bartmaha magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, oo ku qaraxday gaari booyad ah oo ku sii jeeday ceel uu biyo ka soo dhaamin lahaa.

Ma jirto cid wax ku noqotay qaraxa miinada oo laga wada maqlay guud ahaan magaalada Laasacaanood, balse waxa ay burburisay gaarigii ay ku qaraxday.

Ciidamada booliska, oo soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa u suuragashay in ay miino kale ka soo saaraan halkii ay ka qaraxday miinada.

Qaraxa ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada ay ku sugan yihiin masÂ’uuliyiin ka socda Xukuumada  Somaliland oo uu ku jiro wasiirka warfaafinta.

Waa qaraxii labaad ee bishan gudaheeda ka dhaca magaalada Laasacaanood, iyadoo kii ugu dambeeyay toddobaadkii aan soo dhaafnay lagu weeraray guddoomiyaha gobolka Sool.