Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Taariikhda Xoghayaha Cusub Ee Loo Magacaabay Jaamacada Carabta

Tuesday - May 17, 2011

Nabiil Alcarabi waa dublamaasi ruugcadaa ah oo 76 sano jir ah ,waxa uu waxbarashiida ku soo qaatay dalka Maraykanka ,waxana uu ka shaqeeyay dhawr jagooyin oo dib-lumasanimo ah ,waxana ugu muhiim sanayd inuu noqday danjiraha joogtada ah ee dalka Masar u fadhiya QM

Waxaa Nabiil Alcarabi uu ka qayb galay waan waantii nabadeed ee horseeday heshiiska CAMP David  1978 kadib markii loo dhiibay madaxa arrimaha qaanuunka ee wasaarada arrimaha dibeda ee dalka Masar,waxaa sidoo kale uu garsoore ka noqday maxkamada garsoorka caalamiga ah ee Lahay sanadihii 2001 ilaa 2006

Iyada oo la eegayo khibradiisa balaaran ee la xiriira arrimaha qaanuunka dawliga ah ayaa hay’ado badan oo caalami ah oo qaabilsan arrimaha qaanuunka dawliga ah waxa ay ku tartameen in ay helaan adeegiisa khibradeed

Waxana markii dambe loo dhiibay agaasime gobaleedka xafiiska garsoorka ganacsiga dawliga ah ee magaalada Qahira

Waxaa Nabiil Alcarabi uu ka mid yahay shakhsiyada si weyn xushmada ugu leh gudaha dalka Masar,waxana uu ka mid ahaa Nabiil Al carabi shakhsiyaadkii ay dhalinyrada kacdoonka Masar 25 Jan. ay soo jeediyeen in lagu daro dawlada u dhisay raiisal wasaare Cismat Shariif