Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Axmed Najaad oo Ka Warbixiyey Qaabkii Loo Dilay Hogaamiyihi Al- Qaacida Usama

Monday - May 16, 2011

Tehran-Madaxweynaha Iiraan Maxamuud Axmed Najaad ayaa markii ugu horaysay dhinacooda ka hadlay qaabka ay u arkaan dilka Usama, iyo weliba siyaabaha ay Maraykanku ku dileen Sheekh Usama Bin ladin. Sida laga soo xigtay Wakaalada Wararka Iiraan,waxaa uu madaxweynaha Iiraan Maxamuud Axmedi Najaad uu sheegay in dilka Usama ee Maraykanka uu ahaa mid ay Olole doorasho ku raadsanayaan,laakiinse aanu ahayn wax ku aadan la dagaalanka waxa ay reer galbeedku u yaqaanaa Argagixisada. Najaad waxaa uu sheegay in dilka Usama uu ahaa mid horay u qorshaysnaa,iyadoona mudo uu gacanta ugu jiray Maraykanka,iyadoona markii dambana ay dileen. Dowlada Iiraan horay waxaa ay shaki uga muujisay Dilka Usama,iyadoona Wasiirka difaaca dalkaasi Iiraan Axmed Waxiidi uu sheegay in ay jiri karaan mudo badan oo ku aadan qaabka ay Maraykanku u sheegteen Dilka Usama. Waxiidi waxaa uu isweydiiyay waxa keenay in ay Maraykanku ogolaan waayaan in Khuburo madaxbanaan ay ugu oglaadaan baaritaanka maydka,iyadoona taa badalkeeda ay ku dhaqaaqeen in Bada ay ku aasaan. Maraykanka waxaa uu ku tilmaamaa Iiraan in ay tahay Dowlada kaalisa waxa uu u yaqaan Argagixisada, iyadoona marar hore ka dhaga furaysatay in ay qaadato baaqooda ku aadan joojinta samaysashada Nuclear-ka.