Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dawlada Israaiil Oo Ku Baaqday In Cagta La Mariyo Al-shabaab

Sunday - May 15, 2011

Dawladda israa'iil ayaa la sheegay inay Marakanka ku dhiirrigelinayso inuu weeraro cirka ku qaado, isla markaana cagta mariyo kooxaha Al-shabaab ee Soomaaliya ka jirta, Xamaas iyo Fatax oo reer Falastiin ah oo ay ku tilmaantay inay yihiin ururro argagixiso oo xiriir qotodheer la leh Al-qaacida.

Ra’iisal-wasaaraha Irsaa’iil Mr. Benjamin Netanyahu, ayaa kooxaha Al-shabaab, Xammaas iyo Fatax ku eedeeyey inay yihiin ururro argagixiso ah, isaga oo dawladda Maraykanka ka codsaday in sidii ay u galeen oo kale dhulka ula simaan kooxahaas oo uu sheegay inay xiriir toos ah la leeyihiin argagixisada caalamka.

Sida lagu baahiyey qaar ka mid ah wargeysyada Suudaan iyo shabakadaha wararka magaalada Muqdisho, waxa uu ra’iisal-wasaaraha Israa’iil soo dhaweeyey dilka Maraykanku ku khaarajiyey hoggaamiyihii Al-qaacidda, isla markaana waxa uu xusay inuu sidaa oo kale oo looga Fadhiyo Maraykanka si dhulka loola simo kooxaha ka jira Soomaaliya iyo Falastiin.

"Dawladda Mareykanku waxay soo hoysay guul oo waxay cagta marisay Osama Bin Laden oo looga bartay inuu khalkhal-geliyo dawladaha quwadda millitari leh, markaa waxaannu ka codsaneynaa Mareykanka siday Osama Bin Laden dhulka ula jartay in ay cagta u mariso kooxda Al-shabaab oo xiriir qoto dheer la leh Al-qaacida iyo waliba Xamaas iyo Fatax oo qayb ka ah," ayuu yiri ra’iisal-wasaaraha waddanka Yuhuuddu.

Dilka hoggaamiyihii Al-qaacida ayaa argagax iyo cabsi xooggan ku ridday waddamada reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, dalalka qaaradda Yurub iyo Israa’iil, kuwaas oo ka cabsi qaba in dalalkooda laga fuliyo weeraro aargudasho ah, sidaa darteed waxay ku hawlan yihiin sidii loo baabi’in lahaa dhammaan ururrada ay ku tuhunsan yihiin inay xiriir la leeyihiin argagixisada caalamiga ah.

Dawladda Maraykanka iyo isbahysiga NATO ayaa iyagana la sheegay inay qorshaynayaan sidii ay weerarto dhinaca cirka ah uga gaysan lahaayeen deegaannada ay ka taliso kooxda Al-shabaab ee dalka Soomaaliya, iyada oo ra’iisal-wasaaraha dawladda Sheekh Shariif Mr, Maxamed Cabdillaahi Farmaanjo oo toddobaadkan waraysi siiyey wargeyska The Wall Street Journal uu sheegay inuu soo dhawaynayo weerarro dhinaca cirka ah oo lagula dagaallamo Al-shabaab.