Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

La Taliyaha M/weynaha S/Land Fu'aad Adan Cade Oo Ku Tilmaamay L/Caanod Mid Faraha Ka Sii Baxaeysa

Saturday - May 14, 2011

Xigasho Wargeyska Geeska Afrika: Hargeysa - La taliyaha Madaxweynaha ee gobalada bari Md. Fu’aad Aadan Cadde, ayaa qiray in xukuumada xilligani ku fashilantay wax ka qabashada xaaladaha ammaan ee magaalada Lascanod islamarkaana sheegay inay xukuumadii Rayaale ku dhaantay xal u helista ammaanka gobalkaas. Md. Fu’aad Aadan Cadde, oo ah siyaasi ka soo jeeda gobalka Sool, wuxuu ka digay in dhibaatada Lascanod ka taagani u soo gudbi karto gobalada kale haddii aan xal loo helin.
Md. Fu’aad oo uu Wargeyska Geeska Afrika xalay la yeeshay waraysi gaar ah, wuxuu sheegay inay xaalada Lascanod marayso in la yidhaahdo yaa u shaqeeya dawladda iyo mushahar ayuu ka qaataa, markii laga soo gudbay masuuliyiintii gobalka. Waraysigaas uu Wargeysku la yeeshay Fu’aad Aadan Cadde, wuxuu u dhacay sidan:

Fu’aad Aadan Cade waxaynu la wada soconay in magaalada Laascaanood bilihii dhawaa xaalkeedu aanu deganayn. Bal jawiga iyo xaalka laascaanood maxaad nooga sheegi lahayd aragti ahaan?

Imika waxay maraysaa yaa madaxa! iyada oo loola jeedo cid wal oo madaxtinimada Laascaanood haysaa haka cararto, haddana waxay marayaan inay yidhaahdaan mushahar ayuu Somaliland ka qaataa oo loo laayo taraafikadii wadooyinka taagnayd, dawlada Somalilandna way ku ceebaysan tahay. Laakin waa masuuliyada dawlada Somaliland maadama oo ay ciidankii qaranku ku xeeran yihiin inay sugto nabada dadka shicibka iyo kuwa dawlada ee aan hubaysanyn. Waana nasiib daro weyn haddii aan dhakhso looga bedelin kuwa kale (Gobolada) way u gudbaysaa.

Haddiiba la ugaadhsanaayo masuuliyiintii dawlada ee gobolka. Arrintu haddii ay sidaas ku sii socoto miyaanay u muuqan in dadkuba ay ka soo yaacan gobolka?

Wax waliba way dhici karaan, waad ogoyd oo markii hore indhaha ayaaba la soo xidhanaayey balse hadda casar dheer ayaa la weeraray taliyihii taraafikada, markaa adeerow way dhacaysaa maahee waa laga soo yaacayaa. Shicibkuna way ka soo yaacayaan, dawlada wixii la shaqeeyaana waxay odhanayaan balaayo ayaa u shaqaysa.
 
Madaxweynaha iyo xukumada maadama oo aad adigu dhanka gobolada bariga u qaabilsan tahay, laascaanood xaalkeed bal in qaab kale loo wajaho marna ma isla soo hadal qaadeen ama ma kala hadashay?

Madaxweynaha iyo madaxda kale waa dalkoodii, waa meeshii ay xukumaayeen, waa meeshii ciidamadu u joogeen, badhasaabka, Booliska, nabad sugidda, kuli Madaxweynaha ayaa magacaabay oo Hargeysa ayaa laga magacaabay, sidaas darteed way ogtahay dawladu waxa ka socda laascaanood wax cusub oo loo sheegayaa ma jirto, haddii aan damco in aan laascaanood uga waramo waxaad ogtahay ma kuu sheegaa weeye taasi.
 
Fu’aad siyaasi ayaad tahay. Laascaanood waad taqaanaa oo siyaasada Somaliland aad ayaad ugu dhuun dalooshaa,  Bal waxaad noo sheegtaa dareenkaaga ku wajahan mustaqbalka Laascaanood sida uu ku danbayn doono?

Laascaanood way xuntahay. waxaan filayaa haddii aan dawladu talaabo xoogan qaadin oo haddii la waayo shicib kala naxaaya oo tuuga soo sheegaya, oo dilka soo sheegaya laascaanood way ka sii daraysaa kumana joogayso ee gobolada kalena way u gudbaysaa. Markaa siday u muuqato rajo male laascaanood.

Fu’aad ma la odhan karaa sidii xukumadihii hore oo kale ayey xukumadani ugu fashilantay sugidda ammaanka laascaanood?

Anigu waxaan qabaa kuwii hore siday ugu fashilmeen si ka xun ayey ugu fashilantay dawladani Laascanood, kuwii hore nin madaxa sidii taliyihii ciidanka qaybta 12-aad, badhasaabkii ayaa la weerari jiray, laakin imika waxay maraysaa in askartii dariiqa taagnayd ee masaakiinta ahayd la dilo. Markaa anigu waxaan qabaa kuwii horena khayr ma lahayn kuwana laascaanood markay yimaadeen way ka dartay, markaa xagga amaanka la eego laascaanood dawladan ayaa ku liidata.

Ugu danbayntii fariinta aad dawlada iyo shicibka gaadhsiin lahayd adiga oo naajisnka ka faa’idaysanaaya maxay noqon lahayd?

Walaahi anigu waxaan odhan lahaa qof kasta oo muslim ah, qof kasta oo reer Somaliland ah, qof kasta oo wax kala garanaaya oo laascaanood jooga if iyo aakhiro khayr wuxuu ugu jiraa dadkaas laynaaya dad aan wax danbiya oo ay geysteen jirin oo habeenba mid qalanaaya in ay sheegaan oo ay ka tashadaan. Dawladana waxaan odhan lahaa meesha iyo dadka la laynaayo idinka ayaa ka masuule tashada oo sidaad u geli lahaydeen falawgeed qabta.