Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

AL-Xaaji Beello Maasaba Oo Xag Alle Uga Qadaray Guurka 107 Haweena

Friday - May 13, 2011

Al Xaaji Bello Maasaba oo nin Muslim ah oo u dhashay wadanka Nayjeeriya ayaa ku sheegay in ay tahay "arin xaga ALLE uga qadaran" guurka 107 haween oo uu guursadeey taasi oo caro xoogan ku abuurtey Muslimiinta wadankaasi iyo dunida iyagoo ku tilmaamay talaabo ku xadgudub ku ah shareecada Islaamka.

Al-Xaaji Bello Maasaba waxaa haatan u dhaxda ama uu qabaa 86  haween ah isagoo isku dar guurkiisa 107-da haweenka ay uu dhaleen 185 caruur ah, waxaana taasi uu ku tilmaamay " Hibo Eebe Uu Siiyey”.

Ninkan oo 87 sano jir ah  ayaa marka la isku daro xaasaskiisa, caruurta uu dhaley, kuwa ay sii dhaleen, seediyaashiis, dumaashiyadii, sodohooyiinkiisa 8 qaraabadiisa waxay gaarayaan 5 kun oo qof, waxaana dhawaan uu diidey in dadkaasi la tirikoobo oo la diiwan galiyo xili doorasho ay ka dhacaysay gobolka uu degan yahay ee Bida.

Shareecada Islaamka waxay qabtaa in ninka Muslimka ah uu guursan karo afar xaas, laakiin Al Xaaji Bello Maasaba wuxuu haatan la nool yahay 86 xaas oo aad ugu qanacsan guurkiisa iyagoo aaminsan in uu yahay nin "Barakeysan".

Bishii September sanadkii 2008-dii Al-Xaaji Bello Maasaba maxkamad Islaami ah oo ku taal gobolkaasi ayaa xabsiga u taxaabtey iyadoo lagu soo oogay dacwado la xiriira meel ka dhac ka dhan ah Shareecada Islaamka oo la xiriira guurkiisa tobanaanka ah, waxaase arintaasi aad uga caroodey qoyskiisa faraha badan.

Ninkan maxkamadu waxay ku xukuntey in uu furo 82 ka mid ah 86-da haweenka ah uu qaabo si ay ugu soo harto afar, laakiin taasi waa uu diidey, iyadoo sidoo kale ay ka gaws adeygeen xaasaskiisa oo sheegay inay ku qanacsan yihiin guurkaasi.

Xaasaskiisa daacada u ah ayaa waxay ku banaanbaxeen kadinka hore ee xabsiga iyagoo si dhawaaqa ku dalbaneyey ereyga ah " Inoo soo daaya ninkeena barakeysan”, dabadeed waxaa ninkaasi lagu sii daayey go’aan ay ridey maxkamada sare ee qaranka ee wadanka Najyeeriya.

Ninkan oo ah nin hanti badan leh wuxuu ku nool yahay guri aad u weyn oo ka kooban 89 qol kuwaasi oo uu kula nool yahay xaasaskiisa waxaana xaaskiisa ugu yar ay jirtaa 19 sano halka tan ugu weyna ay jirto 64 sano.

Inkastoo Xaajigu uu guursadey 107 haween ah waxaa ka geeriyoodey 9 xaas, halka 12 kalena uu furey ka dib markii uu sheegay inay adeeci waayeen amaradiisa.

185-ta caruurta ah ee uu dhaley waxaa ka nool 133, sheekada xiisaha leh ayaa ah in marka ay xanuunsadaan ilmihiisa aanu gabi ahaanba u ogaleyn in la geeyo Isbitaal ama xarumaah caafimaadka isagoo sheegaya in uu isagu daaweynayo oo uu ku tufayo ka dibna ay caafimaadi doonaan sida uu sheegto.

" Waxaan u sheegaa inaanay aadin Isbitaalada, waa inay ii soo sheegaan hadii ay dareemaan jirro ama qandho waa inay ii soo sheegayaan ayna duceystaan, laakiin waxaan ku qabaa dhib xaasaska qaarkood oo aan arinkaasi ku qabin kalsooni" ayuu yiri Xaaji Maasaba.

" Hadii ay isku dayaan inay ilmaha inta igala dhuuntaan oo anigoon ogeyn ay la aadaan Isbitaalka ilmaha jirkiisa ayaa dhacdhacaya ka dibna daadanaya oo bararaya, isla markiibana waa uu dhimanayaa" ayuu hadalkiisa ku darey Xaaji Maasaba oo isula muuqdey qof Barakeysan oo ka barakeysan xaga ALLE sida uu aaminsan yahay.

Inkastoo xaaladaasi adag uu ku qabo nolasha qoyskiisa Xaajigu hadana wuxuu sheegtey in dhamaan xaasaskiisu ay ku qanacsan yihiin, qaar badana ay ku qabaan raaxo dhinac kasta ah.

Xaaji Maasaba wuxuu ka sheekeeya sida uu ku yahay ciyaaraha sariirta ama gadgadoonka waxaana uu yiri " ILAAH ayaa i siiyey awood iyo dareen buuxa oo la xiriira falgalka sariirta ee ay iiga baahan yihiin xaasaskeyga, waayo hadii aan ku qancin waayo sariirta waa ay iga dhaqaaqayaan”.