Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Qurba-Jooga Oo Masuuliyadi Dalka Ka Dhigay Waqtiga Isku Dhaafsi "Pastime"

Thursday - May 12, 2011

Waxaa la ogaadey in raga qaarkood oo wax soo bartay intooda badana ku noolyihiin dibadaha ay ku andacoodaan, waxaan wadnaa fikrad ka wanaagsan tii lagu daaley labaatanki sano ee tegey, runtiina waa loo dheg taagay dhawaaqoodaas iyadoo loo arkay oo la yiri waa qurba joog Somaaliyeed oo aragtay dullinimada taalla dal aanad lahayn balse fikirki ay keeneen ku saleeyey gobolkasta iskii ha isu nabadeeyo taaso aan xumeyn haddi ugu yaraan la eego wadciga ama xaalada taagan laakiin illa iyo iminka maamulada aan salka lahayn ee lagu dhisay Shaashada TV-yada iyo Website-yada waxaa la orankara waa wada qabiil-land taaso dad badani dood ka qabaan in cudur lagu daaweyn-karo jeermiski keenay, waxayse aakhiru-tahanki fikirkoodi u biyo shubatay: Qoqob Qaran-doon ah, Qabyaalad qabiil ka carar ah, Iyo Tafaraaruq Midnimo-doon ah.

Markii aan midabkooda rasmiga ah u kuur galayna waxaa ii soo kor martay inay uun sidan u dhadhamayaan xikmadooduna ay tahay: REER HEBEL LAND .. RIYO LAND .. ISKA RIIX LAND .. HALLA RAFTO LAND .. RUCBI LAND .. RAFAAD LAND .. YAAN LA RAYSANIN LAND .. RUUXEEYGA LAND .. WAAN RABAA LAND .. MAXAAD RABTAA LAND .. IN NALA RARTO LAND .. MAXAA IGA REEBAY LAND .. LACAG WAA RABAA STATE .. KULIGEEN RA’IIS LAND .. HA RIBATO LAND .. HA RAGAADO LAND .. HA IS RUUGTO LAND .. HALA RIDO LAND .. RAAMSI LAND .. Xil RAADIS LAND IYO REEREEB LAND oo aan weli lagu dhawaaqin waayo weli way tarmayaan oo kuwii la dhisay ayaa kuwo kale sii dhalaya .. Yes sida muuqata waa maamul xafadeed iyo xafladahooda ku magacaaban " Ha la ii camiro" iyo ku darsamo Riwaayada la magac baxday " Ha yaacdo" waxaana dhinaca qura ee laga eegi karaa waa inay soo wada bandhigaan calankii quruxda badnaa ee qarankeena Somaali oo ay balse ku ihaaneystaan oo ay ku bahdilaan inay saf la geliyaan calallo uusan mudneeyn in lala meel dhigo.

Aan hadaba halkaan ku xusno xikmada maasayahanka Somaaliyeed u ku maansooday cabqariga Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ah abwaan, geyfane nabadeed, filasuuf halyey qoowmi ah iyo dadka fara ku tiriska ee ka badbaaday kumilanka mashaqada is Maag Maaga .. Hal ku dhega maansadu waa Hal la qalay, oo u tiriyey abwaanku sidaan filaayo 1973-74, waxaana isoo jiitey tudco kujirta oo u dhacaya sidatan:
Hal la qalay raqdeedaa
Lagu soo qamaamoo
Qalalaasihii baa
Nin ba qurub haleeloo
laba waliba qaybteed
Qorraxday ku dubatoo
Qoloftiyo laftiibaa
Lagu liqay qallaylkee
Qosol wuxuu ka joogaa
Qubannaa danbeeyee
Weli qaba hamuuntee
Buuraha qotada dheer
Ka arkaaya qiiqee
Qarka soo jafaaya

Hadii aad erayadaa oo qura dhuuxdo ayaad ogaan kartaa halka nalaka haysto…bal eeg,…..Qalalaasihii baa ninba qurub haleeloo….micnaha cid kastoo is leh waxbaad heshay oo burburkii baad Aleeylahay ka macaashtay xitaa waxay ay la ordeysaa waa uun Qurub….aan weligeed bislaaneynin….dhuux warkaan qotada dheer

Isla egta siyaasad ku sheega Soomaaliya ee maanta taagan:
Tirada Madaxweynayaal+ Mucaarad bilaa aragti ah+ Madax bilaa milgo ah + Bulsho bilaa mabda' ah= MAHIGA LAND

Waa Mqaal u qoray Maxamed Xaaji Xuseen oo aan soo koobnay si akhriska dheer u soo koobto.