Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Madaxweynayaasha Mahiiga-Land

Thursday - May 12, 2011

Waxay carartay markii ay qoowsaaradeedii kala kulantay fayla gooyn, in lagu raaco dhul bahgooyo ah oo aan baad iyo biyaba toona lahayn taasoo ay u dheereyd qaar lahaa hala qalo oo hilibkeeda waydda ah aan nafta ku ceshano oo aan feenanno iyo kuwo lahaa kaligeey baan maalayaa oo gujo nafta uga qaaday waloow ay ogyihiin in ABAARTA IS EED EED ee ka taagan berinka ISMA BIXISO xoolo jooga cad laga jaray iyo caana laga lisay aan midkoodna lagu cayileeynin ama lagu cokanaaneynin ilaa wax laga bedelo sahanka reerka.

Aan hadaba woxoogaa xusno xikmada maansa yahanka Soomaaliyeed oo aan qaato erayo runtii qaali ah oo ay ka muuqato fikrad iyo fogaan arag oo uu ku maansooday cabqariga Maxamed Ibraahim Warsame HADRAAWI oo runtii ah aqoonyahan, abwaan, macalin, gayfane nabadeed, filasuuf iyo halyeey qoowmi ah iyo dadka fara ku tiriska ah ee ka badbaadey ku milanka mashaqada IS MAAG MAAG.

Hal ku dhega maansadu waa HAL LA QALAY waxaana isoo jiitey tudco kujira oo u dhacaya sidatan:
Hal la qalay raqdeedaa
Lagu soo qamaamoo
Qalalaasihii baa
Nin ba qurub haleeloo
laba waliba qaybteed
Qorraxday ku dubatoo
Qoloftiyo laftiibaa
Lagu liqay qallaylkee
Qosol wuxuu ka joogaa
Qubannaa danbeeyee
Weli qaba hamuuntee
Buuraha qotada dheer
Ka arkaaya qiiqee
Qarka soo jafaaya

Hadii aad erayadaa oo qura dhuuxdo ayaad ogaan kartaa halka nalaka haysto…bal eeg,…..Qalalaasihii baa ninba qurub haleeloo….micnaha cid kastoo is leh waxbaad heshay oo burburkii baad ALALAYLEHE ka macaashtay xitaa waxay ay la ordeysaa waa uun QURUB….aan weligeed bislaaneynin….dhuux warkaa qotada dheer…!!!!

Soomaaliya way isu iman doontaa dhibkanina wuu iska dhamaan doonaa horta insha ALLE balse
dadoow yaan lagu eedoobin durbaanadan maalinba loo garaaco ridmada gooniga ah gaar ahaan culumada qur’aanka ka aqriya shirarka noocan ah, warbaahinta buunbuunisa iyo fanaaniinta u heestaay ogaada sawir baa idinku dhacayoo waxa aad ka qayb qaadaneysaan qalalaasaha taagan………si dalka ay u badbaadiyaan inta weli fayoobi loogana boxo isma dhaantada ay dhasheedii sii dhabjineyso xaajada…..ogaadana dalku uma burburin midnimo darteed ee wuxuu eeday cadaalad daro.

Isla egta siyaasad ku sheega Soomaaliya ee maanta taagan:
MADAR KA MADAXWEYNAYAAL + MUCAARAD BILAA MUBAADARO AH + MADAX BILAA MILGO AH + MUJTAMAC BILAA MABDA’ AH = MAHIGA LAND

HALKU DHEGA MAQAALKA: Midnimadaa na deeqdee dowgeeda hala maro

Waxaa qoray; -Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto:[email protected]
Gothenburg, Sweden