Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Kooxdi Shiikh Atam Oo Ciidama Badan Ka Dishay Maamulka Puntland

Wednesday - May 11, 2011

Bosaaso: Ugu yaraan toban ka tirsan ciidanka la dagaallanka argagixisada ee Puntland ayaa xalay lagu dilay weerar ku dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah, oo ay maleeshiyo daacad u ah Maxamed Saciid Atam ku soo qaadeen saldhig ciidanka Puntland ay ku lahaayeen buuraleyda Galgala.

Dagaalka dhexmaray ciidanka la dagaalanka argagixisada Puntland iyo Kooxda Shiikh  Maxamed Saciid Atam, oo muddo kooban socday, ayaa la sheegay in aan la garaneyn khasaaraha iyo dhaawac dhabta ah ee ka dhashay.

Ciidamo gurmad ah oo ay Puntland u dirtay buuraleyda Galgala, ayaa la sheegay in gaari ay wateen ay miino kula qaraxday saaka agagaarka Galgala, iyadoo hal askari oo ka mid ahaa ciidankaasi uu geeriyooday,  halka kuwa kale ay dhaawacmeen .. Askartii ku dhaawacantay qaraxaas ayaa la keenay isbitalka magaalada Boosaaso, hase yeeshee lama oga tirada rasmiga ah ee dhaawaca, maadaama isbitalka iyo hareerihiisaba ay xireen ciidanka amniga, arintaana waxay dhacday xili u Madaxweyne Cabdiraxman Faroole u ku suganyahay magaalada Bosaaso, isla markaana la hadal hayo in wasiirka arimaha gudaha Jeneral ilka Jiir iyo Madaxweynihiisa aysan baryaahn dambe is indha buuxin.

Weerarka lala beegsaday ciidanka Puntland ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee soo gaara ciidanka Puntland tan iyo markii Kooxda Shiikh Maxamed Saciid Atam laga saaray buuraleyda Galgala.