Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Bakistan Oo Ganafka Ku Dhufatay Codsi Mareykanka U Ku Doonaayey Inu Xog-wareysi La Yeesho Xaasaski..

Monday - May 9, 2011

Sida shalay lagu baahiyey wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka, la taliyaha arrimaha ammaanka Guriga Cad ee Maraykanka Mr. Thomas E. Donilon, ayaa shaaciyey sida ay ugu hamiyeyaan xogwaraysiyo ay la yeeshaan xaasaska Osama Bin Laden si ay u ogaadaan xiriirka tooska ah ee ka dhexeeyey Pakistan iyo hoggaamiyaha Al-qaacida, laakiin waxa arrintaas hortaagan oo aan ilaa hadda oggolaan dawladda Pakistan oo aan caddayn sababta ay u diidan tahay in la waraysto xaasaska uu ka dhintay Osama.

Dawladda Maraykanka, ayaa la jahawareersan sidii ay u ogaan lahayn sababta Osama muddada dheer ugu dhuumanayey magaalada Abbottabad oo qiyaastii 35 mile u jirta caasimadda Pakistan ee Islamabad, iyada oo xukuumadda Maraykanku doonayso in baaritaan lagu sameeyo xiriirka ka dhexeeya Pakistan iyo argagixisada.

"Arrimahan oo dhan waxay u baahan yihiin baaritaanno la sameeyo iyo in Pakistan baaritaan lagu sameeyo. Run ahaantii sida cad waxa jira su’aalo badan oo u baahan in Pakistan ka jawaabto oo la xiriira wixii dhacay oo dhan iyo sidii ay u dhaceenba." Sidaa waxa yiri la-taliyaha dhinaca ammaanka ee guriga cad ee looga taliyo dalka Maraykanka.

Saddexda dumarka ah ee Maraykanku doonayaan inay waraystaan waxa ay ku xiran yihiin gudaha Pakistan, iyada oo la qabtay kadib markii la dilay Osama Bin Laden, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan diiday inay CIA-da Maraykanka u oggolaato waraysiyo ay la yeeshaan saddex dumarka ah oo Osama qabay, kuwaas oo Maraykanku aad u xiisaynayo inay la yeeshaan xogwarrayso kala duwan oo la xiriira xiriirka dhabta ah ee ka dhexeeyey Pakistan iyo hoggaamiyaha Al-qaacida.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maraykanka Barack Omaba oo waraysi siiyey telefishanka CBS ee waddanka Maraykanka, ayaa markii u horreysay si cad u sheeqay inuu jiro xiriir u dhexeeya dalka Pakistan iyo hoggaamiyaha Al-qaacida, isaga oo xusay in laga wada shaqeeyo sidii arrimahaas oo dhan loo ogaan lahaa.

Isla markaa Ra’iisal-wasaaraha Pakistan Mr. Yusouf Raza Gilani, ayaa la filayaa inuu Isniinta maanta hadal ka jeediyo baarlamaanka waddankiisa, arrintaas oo noqon doonta markii u horreysay oo dawladda Pakistan si rasmi ah uga hadasho hawlgalkii Maraykanku ka fuliyey gudaha dalkeeda ee lagu dilay Osama Bin Laden, iyadoo la filayo inuu jawaabo ka bixiyo eedahaymaha kala duwan ee Pakistan loogu jeedinayo inay xiriir la leedahay argagixisada iyo sababta keentay in muddo dheer Osama ku noolaado dalkaas.