Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Warqado iyo Cajalado Sira kuna Saabsan Somaaliya Oo Laga Helay Gurigi Lagu Dilay Usaama Bin Laadin

Saturday - May 7, 2011

Sarkaal u hadlay dowladda Mareykanka islamarkaana ka warbixiyay dukumetiyaashii ay ka heleen gurigii lagu dilay
hogaamiyihii ururka Al-Qaacida Osama Binladen ee dalka Pakistan ayaa sheegay in ay ku jiraan dokumentiyo khuseeya Soomaaliya.

Waraaqaha la helay ayaa la sheegay in ay cadeynayaan ku lug-lahaanshaha Osama Bin Laden ee dalalka Yemen iyo Soomaaliya.

Shakhsiyan ayaa la sheegay in uu Osama ugu jiray arrimaha Al-Qaacidada Yemen iyo Soomaaliya, isagoona qorshayaasha inta badan uu isaga wax ka dajin jiray .

Hore  ayaa waxaa  eedeeyay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta koonfurta Soomaaliya in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-Qaacida iyo hogaamiyeheeda Osama Bin Laden.

Dabaryaaqadii 2009 ayaa waxaa uu hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Godane ku qiray cajal cod ah oo uu soo duubay in ay qeyb ka yihiin ururka Al-aacida islamarkaana ayidsan yihiin Osama Binladen.

Dokumentiyaashan la helay hadii ay jiraan waxaa ay sii kordhinayaan cadeymaha laga hayo xiriirka kooxda Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.

Dhanka kale Mareykanka ayaa sheegay in isbuucii hore ay duqeymo ay ka geysteen dalka Yemen ay ku dili rabeen hogaamiyaha Al-Qaacida ee Yemen Anwar al-Awlaki kaas oo ka bad-baaday weerarka.