Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Gabar Somaali Ah Oo Quruxdeeda Awgeed looga Joojiyey Iskulki Ay Dhiganeysey

Friday - May 6, 2011

Dhacdadan ayaa waxa ay ka dhacday Dalka Talyaaniga kadib markii Qoys asalkooda Somaali yahay iyo degaanka  Galdogob oo mudo dheer ay ku noolaayeen Dalkaasi ay dhawaan gabadhoodi ka joojiyeen Iskoolkii ay wax ka baraneesay Quruxdeeda darteed iyado wixi macallin iyo arday iskoolkaas ku sugnaa ay ka wada cajabeen quruxdeeda.

Sida ay daabaceen Wargeysyada iyo Wakaaladaha Wararka ee Talyaaniga gabadha lagu Magacaabo Jamiilo oo 18-sano jira ayaa waxbarashadii Iskuulka Sare oo ay ka dhiganeysay Waqooyiga Dalka Talyaaniga Gar ahaan Magaalada Precia laga joojiya kadib markii ay waalidiinteeda ku andacoodeen in ay gabadhooda tahay mid qurux badan ayna ka cabsi qabaan in ay xiriir la sameeyaan Dhalinyarada Talyaaniga ah oo gabadhaas sheekadeeda afka ku haya, dabcan so wacidi  taleefonkana badatay.

Qoyska gabadha Dhalay oo aanu garaneyno ma rabno inaan magacooda xusno, ayaa wax ay sheegeen in gabdhooda tahay Mid qurux badan oo soo jiidasho leh aysana la rabin Dhalinyarada Reer Talyaani, waxayna sheegeen iney  gabdhooda la jecelyihiin una doonantahay nin Somaali ah oo ku nool cariga Mareykana sidaa darteedna cabsi ay ka qabaan filimada tartanka gabdhaha quruxda aduunka iyo Raga Talyaaniga ahi in ay gabadhooda ku arkaan Iskuulka oo Xiriir la sameeyaan.