Mareykanka Oo Shaaciyey Iney Bin Laden Ku Dileen Dalka Baakistaan
Monday - May 2, 2011
Washington- madaxweynaha maraykanka Obama ayaa ku dhawaqay in u Osama Bin-laden dhintay kadib markii ay ka war heleen mesha u ku suganaa ,waxana lagu dilay Magaalada Adababad oo 100km waqooyi ka xigta Islamabad Dalka Pakistan.
Obama ayaa ku dhawaqay isaga oo la hadlaya shacabka Maraykanka in u dhintay Osama Bin-laden ka dib markii ciidan khaas ah oo Mareykan ahi weerareen guri u dhaw Islamabad laguna dilay Osama Bin-laden .. Obama ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata yiri ka dib markii ay askarta Maraykanka iyo ilaladi osama ay xabad is-weydarsadeen ayaa lagu dilay Osama Bin-laden madaxa xabad uga dhacday
Kadib marki uu Obama ku dhawaqay in u dhintay Osama Bin-laden ayaa waxaa dabaldag ka sameynaya shacabka maraykanka so balaarana u soo dhaweyay dilka Osama bin-laden
Hadaba waxaa suaal ah Al-qacida ma soo rogal celin doonta mise waxa ay la suuli-doonta hogaamiyahoodi la dilay ee mudada dheer wadnaha u galay maraykanka waa suaal daweyne kala soco waraka ka soo yeri-kara labada dhinacba
Arintani Obama ayay magac weyn siineysa waayo waxaa ku daalay dilitaanka Osama Bin Laadin Ina Bush..