Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Senators-ka Beesha Tanade Ee Mareykanka Oo Baaq Dunida Gaarsiiyey

Sunday - May 1, 2011

US-Miinnisota: Shir ka dhacay cariga Mareykanka gaar ahaan magaalada Minnisota oo looga hadlaayey arimaha iyo duufaanta dagaal waqtigaan ee ka dulun-dulceyneysa magaalada Gaakacyo oo ay dad beelo ka kala soo jeeda door biday waxaan dani ugu jirin oo qaaday talabo dugaag dhaqmeed .. shirkaas oo ka dhacay aqalka Cad Ee Tanade oo ay ku kulmeen odayaashaas Senatorada Tanade/Leelkase ayaa halkaas ka bixiyey falaaqeyn si cilmeysan loogu lafa guray xaladahaas ka oogmatay mandiqada oo ay ku baaqeen in dadka Qaaq-layaasha balaayadaas horseedaya aan la siin jaanis ay ku miineyaan walaalnimada iyo ehelnimada Tolka ooda wad-wadaaga, lana joojoyo is xeydxaydka iyo muranka xarig kala jiidashada oo la qaato xuduuda heshiisyada iyo noocyada xeerarka gareed ee tolka u dhigan, hana laga digtoonaado ayey yiraahdeen kuwa mihindisaaya in Qiiq kale la huriyo oo qaylo kor u si duusho,iyo weliba iblesyada dhalada dadka ka saaran iyo balaayada qalbiga wax ku sawireysa ee hawada xiimeysa, waxay kalo Odayaasha Senatarada ay ku si baaqeen in la is qadariyo oo nabada in la qaato ayaa kheyr roon, maxaa yeelay Qabyaalad Qurux ma leh, qalad iyo saxna waa in la kala saaro, markastana xaqa lala duubnaado, iyado nabada aan marna la isku diidin maxaa yeelay ayey yiraahdeen meeshi deganaasho leh ayaa darajo iyo maamuus leh.

Sido kale Senatorada ayaa shiirkaas carabka ku dhufteen in alaha ha u naxariiste shiikh Ibraahim Shiikh Axmed aan isir-nimadiisa shaki la galinkarin iyo halku ka soo jeedo waxuu ahaa oday reerka ah, sido kale waxay odayaashu baaqoodaas tacsi ugu dirayaan dhamaan dadkii dhinacyada ee eheladooda halkaas ku dinteen, iyagoo alla uga baryey samir iyo iimaan,

Baaqaan waxaa ka shiray soona saaray odayaasha Senatarada Beesha Tanade/lelkase ee xaruntoodu tahay Mareykanka Gobolka Minnisota

Dr Hassan Haji Mohamoud Elmi
Nabadoon Abdi Gaafaa Geesood
Nabadoon Abdi Salad Haji
Nabadoon Mohamed Aden Soldaad
Nabadoon Siciid Ahmed (Bati)
Nabadoon Abdi Mohamed Ahmed(AbdiBuur)
Nabadoon Abdikarim Hassan Nur
Abwaan Abdinasir Ali Dahir (dhaga dheere)
Ganacsade Cumar M Gurase
Ganacsade, Dr Abdiqani Warsame Mohamed( Cagoole)
Caaqil Deeq Abdullahi ( Yange)
Nabadoon Kilwe
Nabadoon Ahmed Warsame(gesod)
Nabadoon Cisman Cigaal Dhoore
Nabadoon Siciid hashi
Shiikh Abdiraxman Sh Ismaciil
Mohamed Bashir
Dr Saleeban Mohamud Said
Amir Abdiqani Farah Ashkir
Farah Adan Daud
Dr ali Warsame Araxey
Col Abdi Muse Xange
Dr Mohamoud Wadere
Iyo xubno kale oo aad u badan