Galkacyo: Shir Maslaxo Lagu Raadinaayo Oo U Socda Labadi Beelood Ee Horay Isugu Dhacay
Sunday - May 1, 2011
Gaakacyo: olole nabadeed oo ay hor boodayaan Odayaashi iyo Waxgaradkii magaalada gaalkacyo oo mudo laga si shaqeynaayey ayaa weli sidi isugu xuslduubaya iney nabad ka dhaliyaan degaanka Gaalkacyo iyagoo dhinacyadi wax kala gaareen si gaar gaar ah ku qancinaayey in la qaato nabada oo aysan banaaneyn in xeer laga dhigto buntukh iyo baaruud la buufiyo, balse la is arko lana wada hadlo
Sida Daraadeedna maanta ayaa shir hor dhaca u ka bilaabmay xarunta dawlada oo ay ku kulmeen wajiyaal niyad samaan iyo yididiilo badani ka muuqato ayaa goobtaas shirka camiray oo ay ka mid yihiin odayaasha guurtida labada dhinac iyo masuullin ka tirsan maamulka Puntland, waxaana kulamadaas si xamaasad iyo qiiro leh uga hadlay dhinacyadi halkaas yimi oo mid walba sheegay in beelaha iyo degaankuba u heelanyihiin in la heshiiyo oo ay diidan yihiin in cariga lagu gubo hubka galaa baxaya iyo garangarinta baaburta goobaha yaala ee gurada rasaasta iyo miinada gumaadka looga buuxshay, ma rabaan shacabka ayey yiraahdeen: badrad iyo waan yeeli-kara, waxay kalo si gaar ugu sii dheeraadeen walaaltinimada iyo ehelnimada taariikheed ee ka dhaxeysa labada beelood ee oda wada daga oo wax kast dhaca iyagu weligood si gaara isu xigsan jiray .. shirkaas oo la filaayo inu maalmo socon-doono aya maalin kale la isugu imaandoona, iyadoo inta shirka ka horeysa la isku dhiiragaliyey in raga weli xumaanta iyo colaada baf-bafinta meelaha la taag taagan wax loo sheego oo ay waanadu deeqdo.