Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Vladimir Butin Oo Ka Gadooday Aabiga Gacan Dhaafka NATO Ay Kula Kaceyso Liibiya Dignina U Gudbiyey

Friday - April 29, 2011

Moscow- Raysal wasaaraha Ruushka Vladimir Putin ayaa si kulul u dhaleeceeyay weerarkii ay NATO ku qaaday xarumihii madaxtooyada Qadafi ee magaalada Tripole Talaadadii aynu soo dhaafnay

Waxana uu sheegay in NATO ay ka talaabsatay salaaxiyatkii uu golaha amaanku u siiyay in ay samayso fara gelin lagu bad baadinayo dadka rayidka ah,waxana uu sheegay in falalka Qadafi uu samaynayo aysan jideynayn fara gelin shisheeye

Raysal wasaaraha Ruuska ayaa waxa uu intaa ku daray in dhamaan kaabayaashii asaasiga ah ee dalka la burburinayo, iyada oo dhismada kaabayaasha ay qaadatay mudooyin aad u dheer,waxana uu sheegay in aysan Nato xaq u lahayn in ay disho Qadafi,waxana uu is waydiiyay cida xaqa u siisay NATO in ay disho Qadafi

Waxana uu sheegay in xataa xarumaha ay duqaynayaan uu madaxweyne Qadafi mar hore ka tagay balse ay ku dhimanayaan dad rayid ah ..Vladimir Putin ayaa hadalkan jeediyay isaga oo booqasho ku marayay dalka Denmark

Dawlada Libya u madaxa ka yahay Qadaafi ayaa waxa ay ka codsatay Ruushka inuu ku baaqo in golaha amaanka uu fadhi deg deg ah ka yeesho duulanka gar-darrada ah ee ay NATO ku hayso dalka Libya