Beelo Gaalkacyo Wada Daga Oo Isku Dhacay
Wednesday - April 27, 2011
Gaalkacyo: Sida aan dhinacyo badan ka xiganay dagaal u dhexeeya beelaha walaala ah oo intoodi badani wada deganyihiin magaalada Gaalkacyo xaafada Garsoor ayaa duhurnimadii maanta dagaal aafo ah ka dhex qarxay , dagaalkaaso sida la xaqiijiyey la yiri waxuu ka bilowday dil loo geystay Shiikh macallin dugsi ahaa oo inta la afduubay dhinaca airaboorka loogu soo dilay, dabadeedna eheladi ninkaas la dilay ayaa aarsi awgeed laba nin oo ay bar garanayeen toogtay iyado midka dhintay magaciisa lagu sheegay Maxamed Cilmi Gurey oo dilaal ganacsato ahaa, midkii kalana u dhaawac noqday.
Warku sida u sheegaayo labadi dhinac oo dhiilo gashay ayaa gurmad iyo hub aruursi abaabulay, dabadeedna isku dhacay iyado si is khilaafsan loo sheegaayo tirada dadka ku dhintay iyo dhaawaca isbitaalada loola cararay, waxaase la sheegay in durbadiiba baaqyo nabadeed iyo ciidan lagu kala dhex galay iyadoo maamulada gaalkacyo iyo Garoowe dhinacooda culeys xoog leh saareen si aan aafada intaa uga sii badan, .. wixii ka soo kordha nagala socda halkaan