London,(Lasanod Online)- Shirka Wadatashi Qurbajoogta Dhulbahante ee London 21-24/04/2011, waxaa udub dhexaad u ahaa arrimaha midnimada nabadaynta,
Mabaadiida Hagaysa (Guiding Principles)
Shirka Wadatashi Qurbajoogta Dhulbahante ee London 21-24/04/2011, waxaa udub dhexaad u ahaa arrimaha nabadaynta, nabadgelyada iyo kaalmada bini-aadnimo ee si xun u aafaysey shacabka ay ku habsadeen olole dagaal iyo abaaruhu ku gadaaman dhammaan dhulka ay degaan. Waxaa kaloo lagaga wada hadlay fidinta hawlaha mujtamaca, mashaariic dib-u-dhis iyo mashaariicda horumarineed.
Waxaa shirkaas ka soo baxay inay lagama maarmaan tahay in la farsameeyo helidda qaabka siyaasadeed iyo in la sameeyo hab lagu hubiyo nabadda, degnaanshaha dhulkeenna, jaarkeenna iyo geeska Afrika
Qaabka Siyaasadeed, waxaa ku jira in si adag loo qaato mabaadiidan:
1. Midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliyeed
2. Dimoqradiyad iyo isku-xukun lagu fuliyo xuquuqda iska-caabinta gardarada ah
3. Wada hadal siyaasadeed oo ku salaysan nabad iyo xal-u-helidda khilaafaadka.
4. Dhisidda nabadda, in la taago xididada deganaanshaha iyo horumarinta waara
5. Ku-dhaqanka maamul wanaagga iyo xisaabtan (Accountability and transparency)
6. Maraynta meelaha la wadaago sida daaqa iyo ceelasha biyaha iyada oo loo eegayo tirada xoolaha iyo baaxadda dhulka(carrying capacity)qaadi karo iyo sidii loo yarayn lahaa xaalufka
Ismaamulkayagu wuxuu ka salsanyahay sida ay nooga goantahay inaan goaansano masiirkayaga. In aan dhiirigelino sida aan u abaarayno, loona maamuli lahaa khilaafaadka iyadoo loo marayo wadada nabadda iyo dhisida nabadaynta, si loo afjaro ciidanka dhulkayaga haysata sida tuulooyinka, magaalooyinka iyo miyigaba.
Mabaadiidda kor ku xusan waxaa hagaya inay naga goantahay iyo in aanan marnaba ogolayn in la haysto
Goaamada iyo talo-soo-jeedinta ee shirka waa sidan hoos ku xusan:
1. In shir beesha leedahay lagu qabto dalka gudihiisa, loona qabto dhammaan shacabka SSC gudaha iyo dibedaba
2. In ma magacaabo guddi farsamo oo ka soo talo-bixiya
1. Goorta shirka la qabanyo
2. Goobta Shirka lagu qabanayo
3. Dhaqaalaha shirka ku baxay
3. In shirka lagu qabto magaalooyinka SSC mid ka mid ah, lagana heli karo dhammaan shuruudaha shirku u baahanyahay
4. In dhaqaalaha shirku ka yimaado beesha SSC ee gudaha iyo dibeddaba, laguna marti qaado dhammaan saxaafadda gudaha iyo dibedda si ay u tebiyaan wararka xaqiiqa ah ee shirka
5. In loo gudbiyo gudaha iyo bulshada caalamka in shacabka SSC ka goantahay inay kula nooladaan nabadgelyada iyo deris wanaag kula noolaadaan jaarkooda iyo Geeska Africa
6. In shacabka SSC ka goantahay inay xaq u leeyihiin inay ismaamulaan iskana caabiyaan haysashad dhulkooda
7. La mideeyo cudada iyo dhaqaalaha SSC si loo gaadho gaadho nabadgelyo iyo xasilooni
8. In la horumariyo dhulka SSC iyadoo xoog la saarayo beyada, daaqa iyo biyaha lana yareeyo xaalufka iyo nabaadguurka
9. In la horumariyo arrimaha bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida madaarada, wadooyinka, waxbarshada iyo caafimaadka
10. In tayada dadka la hormariyo sida tababarada xirfadaha, dhiirigelinta soo noqoshada aqoonyahanka iyo in la yareeyo dadka ku soo qulqulaya magaalooyinka
11. In la dhiirigeliyo maalgashiga gobolada SSC, iyada oo la adeegsanayo Hayadaha horumarinta Dhaqaale ka iminka dadka gudaha iyo qurbajoogta iyo Hayadaha Deeqda Bixiya ee caalamiga ah
12. In la kobciyo Jaamacadda Nugaal sida cilmi baadhista, xog-ururinta iyo qiimaynta baahiyaha
13. In la koriyo ganacsiga gaarka horumarintiisa, gaar ahaan Ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah
14. In la koriyo feejignaanta iyo la isticmaalayo shabakadaha bulshada iyo saxaafadda (Facebook, Twitter).
Uga damabayn waxaan jeclahay inaan idiin sheegno shacabka SSC in qurbajoogtu midaysantahay oo aan la kala qaybin karin si ay u gaadhaan xoriyad, horumarin dhulkooda iyadoo ku dadaalaya inay taas wada gaadhsiiyaan dhammaan SSC iyo shacabka Soomaaliyeed. Qurbajoogta SSC waxay soo jedinaysaa qabashada shir loo dhanyahay oo ka dhaca dalka gudahiisa sida ugu dhakhsaha badan.