Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

War Deg Deg Ah: Jarmalka Oo Ku Cadaadiyey Imaam Bilaal Philips Inu Maalin Gudaheed Uga Baxo Dalkooda

Thursday - April 21, 2011

Sweden- Germany: War deg dega ah ayaa jira oo sheegaya in dawlada Jarmalku ay hanjabaad iyo handadaad isugu dartay iimaam Bilaal Philips .. Imaamkaan oo ah Shiikh weyn oo dunida islaamka caan ku ah lana wada yaqaano ilaahay ayaa weyne ayaa baryahaanba ku sugnaa wadamo ku yaala qaarada Yurub gaar ahaan waqooyiga iyo bartamaha.

Imaam Bilaal Filips oo baryahaanba booqasho ku joogay wadamo ay ka mid yihiin Denimark iyo Jarmalka isagoo casumaado toosa ka helay musllimiinta ku dhaqan skandenaviaanka iyo bartamaha Yurub ayaa shalay u safray dalka Jermany.. kadib markuu u ka tagay dalka Denimark oo dhawr casho u kala gudbaayey magaalooyiin dhawra .. dabadeed marki u shalay gaaray Jarmalka waxuu muxaadaro ka jeediyey magaalada Farankafort ee dalka Jarmalka.

Muxaadaradaas oo ruxday kana farxisay oo ay si weyn ugu wada riyaaqeen musllimiinti dhageysaneysay ee ku dhaqan dalka jarmalka iyadoo jawigi xafladaasi u muusllimiinta ku dhamaaday farxad iyo rayreyn ayaa kadib hoolkii lagu qabtay xafladaas waxaa isa soo hortubay oo hortiisa dhoobnaa saxaafada dalka Jarmalka oo oodaheedi wadata kuna hor sugayey inta xafladu dhamaaneyso.

kadib markii ay xafladi dhamaatay ayaa Imaam Bilaal Philips halkaas ay su'aalo ku weydiiyeen saxaafadi .. su'aalahaasi oo ahaa qar la yaab leh waxaa ka mid ahaa: ka waran raga xun xun ee loo yaqaano Daboolayaasha, waxaana u ku jawaabay diinteydu waxay qabtaa in madaxa laga jaro waxuuna sheegay sidi shareecadu islaamku ay qabtey ilaaheyna ogolyahay.

Su'aasha labaad aya la yiri: ka waran Ninka iyo Naagta is qabaa hadey Zineystaan waxuu ugu jawaabay waa la Rajminayaa waana sida xaqiiqada ah ee ilaahay shareecadiisa ku cadeeyey ayuu raaciyey .. kadib markii uu jawaabtaas bixiyey waaba ay caroodeen, waxaana xigtay go'aan ay dawlada Jarmalka ay gaartay oo ah si deg deg ah inu uga baxo dalka Jarmalka oo usan gaarin maalinta Axada.

Arinkaas oo mucjiso iyo amkaag ku noqotay jaaliyadha islaamka ah ee ku dhaqan dalka Jarmalka ah iyo intii maqashayba waxay yiraahdeen waa duni aakhiru Zaman ah waana arin la yaab leh, ilaahey ayaase dunida iska leh