Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Dagaalada Lagu Jabiyey Shabaabka Oo Soo Dadajiyey Burburkii Kooxda Iyo Shir Uga Socda Kisimaanyo

Wednesday - April 6, 2011

ILaha Sirdoonka ee Reer Galbeedka oo kaashanaaya kuwa dawladaha Geeska Africa ee u dhuunda- loola Arimaha Argagixisada Al-shabaab, ayaa soo tebiyey Shir ka dhacay kismaanyo oo ku Dhamaaday Gacan-ka-hadal Dhex-maray Horjoogayaasha Shabaab-ka.
 
Tan iyo markii la wiiqay Awoodii Kooxda Al-shabaab ee Magaalada Muqdisho, waxa sii xoogaysanaayey jabka iyo khilaafka kooxdaas, Mudda yar gudahood waxay lumiyeen dhul balaaran oo ay markii hore xoog ku haysteen, mana muuqato awood ay ku soo ceshan karaan dhulkaas.

Ciidamada Dowlada Shariifka iyo kooxaha kale ee ka soo horjeeda Al-Shabaab ayaa jilbaha u aastay inay difaacdaan goobihii ay ka qabsadeen Argagixisada Al-shabaab, waxaana jira dhaqdhaqaaqyo horleh oo ay wadaan Dowlada iyo Xulufadeeda oo ay ku doonayaan inay dhul horleh kaga qabsadaan Al-Shabaab.

Guulaha Ciidamad Dowlada Shariifku iyo kooxaha la socda ayaa sabab u noqday in Hogaanka Sare ee Al-Shabaab iyo Maleeshiyaad-kooda ay galaan xaalad aad u adag iyadoo laga cabsi qabo in Cimri deg-deg ku dhaco Kooxdan oo ay ku dhamaadaan jidkii foolxumada badnaa ee ay ku dhamaan jireen koox kasta oo banaysata dhiiga dadka Islaamka ah.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ku jira xaalad niyad jab ah oo ay ka muuqato habacsanaan iyo isku dhex yaac, waxa taa ka sii daran oo u waheliya dagaalda lagu jabiyey khilaafka soo jiitamayey mudada dheer ee la xiriira dhinca Maamulka, Siyaasada iyo dhaqaalaha, khilaafkaas oo ah mid gaamuray oo ay adagtahay in ay ka xal ka gaaraan.

Dagaalada ka soo cusboonaaday Gobolada Jubooyinka ayey isku khilaafeen qaabkii looga hortagi lahaa, Horjoogayaasha Al-Shabaab ee Jubooyinka ayaa u qaylo dhaansaday Kuwa Muqdisho jooga, codsigaas oo ay ku doonayeen in lagu taakuleeyo Maleeshiyaad dheeri ah, Horjoogaashii Muqdisho ayaa ku soo jawaabay diidmo qayaxan, iyagoo ku macneeyay inay cadow ka awood badan kuwa Jubooyinka ay horjoogaan, jab weyna kala kulmeen maalmihii u dambeeyay oo tooda u yaaban yihiin.

Arinta ayaa u muuqata qaabkii Xisbul Islaamkii Muqdisho dagaalka ugaga baxay Xisbul Islaamkii Jubooyinka tasoo u sahashay Al-Shabaab inay dhirbaaxo kulul ku dhuftaan Shiikh Axmed Madoowe oo hadda xulufo la ah Ciidamada Dowlada Shariifka ee dhowaan qabsaday Magaalada Dhoobleey.

Kulamo dhowr ayaa shabaabku isugu yimaadeen, Iyagoo isku taxluujinaya in ay isku soo dhoweyn karaan aragtidooda mustaqbalka, siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, midnimo ahaan, maamul ahaan, intuba fashil ayey ku dhamaadeen.

Kulankii ugu dambeeyay ayaa xalay ilaa iyo shalay ka socday deegaanka Kismaayo, isagiina fashil iyo gacan ka hadal ayuu ku dhamaaday oo meesha waxa isugu yimi kontomeeyo Horjoogayaal ah oo isugu jira soomaali iyo ajaanib, oo marka tobani isku raacdo hal talo ayaa toban kale mucaaridaysaa, marka mid talo macquul ah keeno ayaa mid kale la imaanayaa talo xagjir ah oo caalam kale la haysata.

Si kastaba ha ahaatee Umadda Soomaaliyeed ee Abaarta iyo Gaajado hayso ayaa soo dhoweynaysa Burburka iyo Halaaga ku habsaday Argagixisada AL-shabaab.
 
By: Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist. [email protected]